Published:

Hargeysa(GNO)June.16,2016-Gudidii dhawaan madaxwaynaha Somaliland u xil saaray soo xalinta iyo heshiisiinta labadii beelood ee dhawaan diirtu ku dhex martay deegaanka dharkayn geenyo oo kamida gobolka sool ayaa shalay galinkii danbe si rasmi ah uga amba baxay magaalada hargeysa iyaga oo usii jeeda deegaankaas ay shaqaaqadu ka dhacday.

Waxaana gudida ay ka koobnaayeen xildhibaano golaha guurtida ka tirsan,culimo awdiin iyo madax-dhaqameed kuwasi oo madaxwaynaha Somaliland u igmaday inay soo xaliyeen soona kala dhex galaan labadaa beelood isla markaana ay soo kala dhex dhigaan heshiis nabadeed oo waarta.

Waxaana gudidani naloo sheegay siday warku nagu soo gaadhayaan inay xalay gaadheen deegaankii shaqaaqadu ka dhacday ee Dharkayn geenyo iyaga oo la filayo inay kulamo gooni gooni ah la yeeshaan odaayasha iyo waxgaradka labada ardaa ee dirirtu ka dhaxayso isla markaan ay qolo kasteba usoo bandhigaan inay qaataan heshiis nabadeed.

Gagabadiina waxa iyaguna deegaankaasi usii qulqulaya madax-dhaqameed kala duwan oo iyaguna heegan u ah dhankooda ka qayb qaadashada xalinta shaqaaqadaasi.

Dhanka kalena waxa iyaduna xusid mudan in deeganka Yayle oo kamida gobolka soola shalay lagu dilay rag halkaasi oo iyadana laga cabsi qabo inay ka qaraxdo colaad kale.

News Related