Published:

argaysa(Tm)Ururka Warshad Layda Somaliland Ee Iyagu Iskood Isku Magacaabay Ayaa Waxa Maanta Shir Jaraa’id Oo Ay Ku Qabteen gudaha Magaalada Hargaysa Ay Ka Sheegeen Inay Ka Soo Hor Jeedaan Cashuur Ay Dawlada Hoose Ee Magaalada Hargaysa Oo Iyadu Ku Shaqaleh Arimaha Cashuuraha Oo Dib Ugu Xaroota Qasanada Somaliland Isla Markaasina Ay Ka Uruuriso Ganacsatada Kala Duwan Ee Dalka Iyo Gawaadhida Somalilandba
Waxa Ay Masuuliyiin U Hadlay Ururka Warshad Layda SOamliland Ay Sheegeen Inay Xaqdaro Tahay Cashuurtan Xaqul Xashiishaka Ah Ee Dawlada Hoose Ee Hargaysi Markii Ay Aragtay Caagadaha Biyaha Laga Cabo Iyo Kuwa SHaraabkuba Inay Caasimada Hargaysa Ku Yihiin Qashin Ay Ku Soo Rogtay Cashuurtaasi
Maalintii Shalay Ayuun Bay AHayd Markii Dawalda Hoose Ee Hargaysa Gaara Ahaana Gudida Bilicda Hargaysa Iyo masuuliyiinta Warshadaha Biyaha Isagoona Kulan Kaasi Uu Goob Joog Ka Ahaa Maayarka Caasimada Hargaysa Isagoona Kulankani Ay Ka Danbaysay Markii Cashuur Dheeri Ah lagu Kordhiyey Cagadaha Biyaha Laga Cabo.
Waana Kan Maayarka Caasimada Hargaysa Oo Kulanka Ka Sheegay Sababta Keentay In Cashuur Lagu Kordhiyo Warshadlayda “Cashuur Go’aan lagaga gaadhay (kulanka) Guddida Bilicda, Golaha Deegaanka Hargeysina ansixiyey, loona gudbiyey Wasaaradda Arrimaha gudaha ayaa ahaa in Caagadda weyn ee Biyaha laga Cabbo la saaro Cashuur ah 300 Shilin, Caagadda yarna 150 shilin, si Lacagtaas loo siiyo Dadka Magaalada ka guraya Caagadaha Biyaha laga cabbo, Maaddaama oo Qashinka ugu badan ee Magaalada yaallaa yihiin Caagadaha.”
Iyadoo Sidaasi Ay Tahay Ayaa Maanta Masuuliyiintani Xumo Tashiilka Ahi Ay Ka Soo Horjeesteen Amarkaasi Maayarka Iyo Dawalda Hoose Ay Bixiyeen Iyagoona Hadalkoodan Maanta Ay Sheegeen Uu Yahay Mid Hal Bacaad Lagu Lisay Ah Waxbana Aanay U Dhimaynin Go’aankaasi Ay Soo Sareen Masuuliyiinta Dawlada Hoose

News Related