Published:

Prof. Ismaciil Samatar iyo Muuse Bixi ma ah dad isku mawqif ah, ee mid kastaba durbankiisa ayuu dhankiisa ka garacaya.
Muuse Biixi waxa kaliya ee u muuqda waa kursiga Madaxtooyada, ku biirista Prof. Ismaciil Samatar ku biiray Xisbigiisana waxaa uu arka in ay ISAGA ka cawinayo sidii uu kursiga u gaadhi lahaa.
Hadalada iyo talooyinka Prof. Ismaciil Samatar waxay noqonaya hadal aanay Muuse iyo kooxda uu hogaaminaya ayna waxba ka soo qadin. Waxaanan qaba in doorashada intaa aan la gadhin inuu Prof. Ismaciil Samatar uu albaabka Xusbiga Kulmiye ka soo boodi doono. Waayo, Muuse Biixi waxaa xushay oo taba baray Axmed Maxamed Siilanyo oo todaba sano Talo, Wano, iyo Nasteexo aan dhagaysan. Waliba, sida ayuu Axmed Maxamed Siilanyo u yahay siyaasi aqoon iyo wayo aragnimo kaga horeeya Muuse Biixi. Marka haddii uu Muuse Biixi Madaxwayne noqdo, qalad kasta oo Somaliland ka jira, haddii Horumar la’aan tahay, Qabyalada tahay, shaqo la’aan tahay, Cadaalada la’aan tahay, Musuq masaq tahay, in ay ka sii darto mooye ha ka filan inay ka rayso.
Prof. Ismaciil Samatar waxaa uu ka hadlaa in cadaalada iyo wada lahaan shaha dalku in ay tahay arinta ugu mihiimsan. Haddaba, Muuse ma ogala in xusbiga lagula tartamo. Cid aan isaga ahayn ma ogala inuu musharax Madaxwayn ka noqdo xusbiga Kulmiye. Marka adiguba caqlibaa Illahay ku siiyay siday isku qabaynaysaa inuu Muuse Biixi ka shaqayo wada lahaan shaha dalka, wada lahan shaha siyaasada dalka, wada lahaan shaha hanitda ummada. Teeda kale, miyaanu ahayn hadal uu Muuse Biixi iska yidhi marka uu leeyahay xusbiga Kulmiye waa Xusbiga Midnimada, oo u tagan Midnimada dadka Somaliland.
Mudo 25 sano ah, ayuu Muuse si sharci daro ah ku haysta Beerta Geedeeble ee Xukuumadii Siyad Bare u samaysay in lagu xanaaneeyo Xoolaha dalka. Hadana waxaa uu Muuse ka hadlayaa in ‘qaranka laga saro musuq masaqa’. Somaliland waxay tidhaa ninka aad kabaha ka tolanayso, kabihiisa ayaa la eega. Muuse Biixi waxaa uu qayb ka yahay, qaladaadka Somaliland ka jira. Marka siday isku qabanyaan inuu noqdo qofka saxaya qaladaadka uu isagu qayb ka yahay.
Waxaa dhagaystay qudbadii uu Prof. Ismaciil Samatar ka jeediyay xafladdii uu Xusbiga Kulmiye u sameeyeen. Hadalada uu yidhi Prof. Ismaciil Samatar waxay u badnayeen hadalo ‘abstract-ka’, ama hadalo la iska yidhi. Hadaladani waxay la mid yihiin casharadii uu professor-ku ardaydiisa siin jiray, ama shirarka Somalida ka jeedin jiray. Hadaladani Xusbiga Kulmiye iyo dalka wax ay u soo kordhinayan ma jirto. Professo-ku ma soo bandhigay qodab kaliya oo lagu xalinayo cadaalada darada dalka ka jirta, ama dadka Somaliland lagu midaynayo. Professor-ku ma soo bandhigay qodab kaliya oo lagu gaadhayo wada lahaan shaha dalka, ooy ugu horayso wada lahaan shaha siyaasada iyo Xusbiyada Qaranka. Professo-ku ma soo bandhigay qodab kaliya oo horumar dhaqalo lagu gaadhi karo.
Teeda kale, Xusbiga Kulmiye ma ah Xusbi mucaarada, waa xusbi muxaafada oo todaba sano dalka ka talinayay. Dadkuna kama akhrisanayaan waxaasi ayaan qaban doona marka Lana-doorto. Dadku mar labaad ugu codayn mayaan buug beena ooy soo bandhigan. Waxaa uu Xusbiga Kulmiye u bahan yihiin in ay qaldadada ay xukumada iyo xusbigoodu samaysay in ay marka hore QIRTAAN. Marka xiga, mudada u hadhay Xukumada iyo Xusbiga ugu midooban siday wax uga qaban lahaayeen. Wadooyinka lacagta nusa-saacaha caruurta iyo qurba joorta laga ururiyay lagu dhisay, cod laguma helayo.
Xusbiga Kulmiye waa in ay dib isku xusuusiyan waxa dadka Somaliland ugu codeyeen. Dadka Somaliland waxay talada dalka ugu doorteen Xusbiga Kulmiye in ay saxaan dawlad xumadii ka jirtay xukumadii Xusbiga UDUB ee Dahir Riyale hogaaminaya. In ay saxan iska daye, xukumada Axmed Siilanyo way uga sii dartay.
Hadaba, haddii Axmed Siilanyo uu doonayo inuu Muuse Biixi noqdo madaxwaynah isaga badalaya, waa inuu saxo dawlad xumada dalka ku habsatay. Xukuumad Axmed Maxamed Siilayo iyo Saylic iyo ta Muuse Biixi iyo Saylic dhisi doonan waa xukumada xusbi kaliya ku dhisan ama continuation.
Hawsha u tala wakhtiga gaban ee u hadhay Axmed Maxamed Siilanyo, waa siddii ay wax uga qaban lahayd;
Qabyaladani xadhkaha goosatay, iyo siddii oday dhaqamada nabadaynta Beelaha uga shaqayn lahaayeen, siyaasadana faraha ugala bixi lahaayeen.
Boobka Hanti ummada, iyo siyaasiyiinta ku mamay hantida ummada siddii loo xakamayn lahaa.
Wada-lahaanshaha Xusbiyada Qaranka, iyo sidii loona qabyo tiri lahaa Xeerka Xusbiyada Qaranka, si ayna Xusbiyada Qaranku u noqon kuwa Shakhsi, Beel, ama kooxi sheegan.
Musuq masaqa iyo eexda.
Nabad galyo dadku wada ilaashado, oo siyaasada ka madax banaan.
Cadalada Madaxbanaan, khasatan ka madax banaan xukuumada.
Siddii loo dooran lahaa Gole Wakiilo oo ka kooban Haldoorka Aqoon yahanada Somaliland.
Siddii loo soo xulan lahaa Gole Guurti oo ka kooban Haldoorka Aqoon yahanada Somaliland.
Iyo kuwa kale
Haddaba, haddii Muusa Biixi doonayo inuu madaxwane noqdo waxaa u tala hawl badan. Balan qaadyo iyo Prof. Ismaciil Samatar ayaa I-tageeray oo dhalin yarada ayaa sidaa iigu codayn doonta, mid soconaysa ma aha.
IRAAN-ta ayaa yidhaa “Haddii aad NABAAD, NABAAD (ama NACNAC, NACNAC) tidhaa manta oo dhan, afkaagu macaanan maayo”. Hadal la iska yidhina Horumar, Nabda, iyo Cadalad keeni mayso.
Marka, hadalka ina Samatar waa fiican yihiin, lakiin horumar keeni mayo. Waayo, kooxdani uu tageeray Prof. Ismaciil Samatar waxa kaliya ee arkan waa sida ay kursiga u hanan lahaayeen, hadalkiisana dhagaysan mayaan. Kooxda Kulmiye ee Muuse Biixi hogaaminayo dawlad xumada waxay u arkan in ay IYAGA dani ugu jirto, in wax la saxana ma raban.
Waxa kaliya ee Muusa Biixi iyo Saylic yaqanan waa ‘ME-FIRST’, ama ‘MAXAA ANIGA IID DANA”. SOMALILAND FIRST ama ‘MAXAA DALKA U DANA’ ma ah dantooda.
Prof. Ismaciil Samatar ma jiro qodab kaliya uu ku xidhay Muuse iyo Kooxdiisa, marka uu ku biiray. Marka waxaa la is waydiinaya ma waxaa jirta xilala qarsoon oo loogu balan qaraday. Qofka wadaniga ah, ee aqoon yahan isku sheegaya waxa uu Xusbiga uu ku biirayo ku xidhi lahaa qodabo xusbigana nasteexo u ah, dalka iyo dadkana tageersana dantoodu ku jirto. Nasiib darada waxa ay tahay qodabada dalka iyo xusbiga u nasteexada ahi ma ah kuwa ay raban kooxdani uu Muuse Biixi hogaaminayo.
Waxaa jiraba CAKAARAHA wuu iman. Kooxadani Muuse Biixi haddii talooyinka Prof. Ismaciil Samatar maqlayaan waa la arki doona. Aniguna inuu Xusbiga Kulmiye hagaago waan raba, lakiin wakhti badan ayaan Kulmiye in la toosiyo isku dayay waxaanana arkay in cid wanaag doonaysa ayna Kulmiye ku jirin. Muuse Biixi iyo kooxda Kulmiye ku hadhayna ay yihiin kuwa hormoodka u ah wax ka qaldan Xusbiga.
Nasiib daradu waxay tahay Xusbiga WADANI ma dhamo Xusbiga Kulmiye. Xusbiga UCID ma ah Xusbi jira. Sida daraadeed waxii Ummada Somaliland soo mareen ee Xasuuq lahaa, Burbur lahaa, Qax iyo Qaxooti lahaa waxaa AABO u ahaa dawlad xumo. Dadka Somaliland waxay filanayeen in ay mar uun ay ka bixi doona masiibada ku habsatay. Lakiin waxaa inoo kacay QOOM kale oon caqligoodu dhaafsiisnayn ‘MAXAA ANIGA II DANA’. Caqliganina waa kaaynu xoriyadii aynu Ingiriiska ka qaadanay iyo dawladii calamku aqoonsaday Xamar ku gaynay. Caqligani waa kii uu ku dhaqmayay kaligii taliska Afwayne ee burburiyay Somaliland, dadkeenana xasuuqay.

SOMALILAND HA NOOLATO!!!!
OMAR A. YOUSUF
URURKA DIB-U-HABAYNTA SOMALILAND (SOMALILAND REFORM ORGANIZATION)
WWW.SLREFORM.ORG

News Related