Published:

Hordhac,Gobolka Gabiley wuxuu leeyahay Miisaan Culus Marka laga hadlayo Arimaha Ku taxaluuqa Dalxiiska Somaliland,Marka lajaleeco Kaymaha Bilicdasan ee uu Ilaahay Ku manaystay Dagmada Arabsiyo oo katirsan Gobolka Gabiley,waxay Ku tusaysaa Fursado badan oo Gobolkani Kali Ku yahay taasoo hadii laga faaidaysto ay kasoo xeroon lahayd dhaqaale badan oo wax Ku oola,intaa waxa dheer Goobo taariikhiya oo uu Gobolku Qani Ku yahay laakiin Maanta uu dayac fara badani ka Muuqdo,sababtuna ay tahay Masuuliyiintii oon fahamsanaynba qiimaha uu leeyahay Dalxiisku,iyadoo aduunyada laysku dhaafay Dalxiiska hadaba waxa igu dhaliyay inaan kawarbixiyo siduu u dayacan yahay Dalxiiskii Gobolku,gabileywaxaynu Ku jirnaa wakhti xagaaya oo meelo badan laynooga yimaado taasoo ahayd inay diyaar inoo ahaadaan Goobihii Dalxiiskee aynu ka faaidaysan lahayn ayaa Magaaladii Arabsiyo oo ah Xudunta Dalxiiska Gobolka Gabiley oo walibana aynu Ku jirno Bishii barakaysnayd aad Maalmaha Iida Dareeno Dad faro badan oo inooga yimaada Caasimada HGabiley,ayna udiyaarsanayn Goobihii ugu Mudnaa Dalxiiska Marka Laga reebo Beeraha Xagaaran,Waxa Muhiim ah in LA diyaariyo Goobtii Taariikhiga ahayd ee Dhagaxkuure Taasoo Ah Goobta Labaad ee Taariikhiya ee ay Daganaayeen Faraaciyiintii Taasoo Xudun u ah Gobolkan Gabiley,iskusoo wada duuboo Gobolkan Cagaaran ee Gabiley ayaa ubaahan in gacmaha Layska qabsado sidii loo hor Marin lahaa Dalxiiskiisa kaasoo waxbadan kataraya xaga Shaqo Abuurka !Wariye Muuse Xuseen Xasan Muuse saxafi

News Related