Published:

13487338_470166133176891_1962832577_nMaanta oo ay Taariikhdu tahay 23-06-2016 waxaan Qalinka u qaatay inaan Maqaal ka Qoro Kumuu ahaa Mujaahid Maxamed Axmed C/lahi (Indho-buur).

Taariikhdu ma hilmaamto Dhacdooyinkii Taariikhiga ahaa ee uu lahaa Mujaahid indho-Buur, waxa uu ka mid ahaa Sahanka Qaybta Galbeed, Waxaanu laf dhabar u ahaa Halgamayaashii SNM ku Dhaadan jirtay Wakhtigii Halganka.

Alle ha unaxariistee Mujaahid indho Buur waxaa loo laayahay Tiro ka mid ah Family-giisa marka laga yimaado Xasuuqii uu la Qabay Shacabka Somaliland.

Indho Buur Waxaa lagu Xasuustaa waxa uu ahaa Geesi aan looga Warwari jirin Hawlgalada iyo Daba Galka uu Sameeyo.

Si Kastaba ha ahaatee Maanta waxay iswaydiintu tahay Maxaa ka soo Hadhay Qoyskiisii Alle ha unaxariistee? Walalkii Xuseen Axmed oo oo ka yaraa oo isaguna ka mid ahaa Mujaahidiinta ayaa waxa uu ka tagay laba Caruur ah Xaaskiisiina waxaa Dumaalay Muj.Indho Buur, ka dib Xaaskiisiina way umal Raacday wxaanay ifka kaga Tagtay Seddex Caruur ah oo laba ka mid ah walalkii dhalay, Seddexdaa Caruur ah oo uu isaga Masuul ka ahaa, kadib ayuu isaguna ugeeriyooday Dhaawacyadii Halkaganka ka Soo gaadhay iyo Daryeel La,aan Caafimaad oo ku Habsatay.

Maanta Caruurtii uu Ka tagay Muj. Indhobuur waxaa la Silcaysa hooyadii oo Da,ah oo lagu magacaabo Aamina Cali, Waxaanay ku Nooshahay Nolol aad u dhibaato badan oo u baahan Gurmad iyo Gargaar Bani Aadanimo, maadaama oo ay ifka Keentay Mujaahidiin Dalkan Naftooda uhuray ee keenay Nabad galyada maanta Somaliland lagu Seexdo.

Hooyo Aamina Cali waxay Degantahay Degmada Agabar oo ka Tirsan Gobolka Gabiley, Waxaanay Si Naxariisle uga Codsanaysaa, Xukuumada iyo Shacabka Somalilandba la Garab istaago maadaama oo ay Halgankii SNM ku wayday Seddexdii Mujaahid eek ala ahaa Muj.Hugur, Muj. Xuseen iyo Muj. Indhobuur.

Khadra Maxamuud Samatar

Gudoomiyaha Garabka Haweenka Xisbiga Ucid Germany

 

 

News Related