Published:

War Deg-dega: Taliye Ku Xigeenka Guud Ee Ciidanka Milateriga Xukuumadda Faderaalka Itoobiya iyo Odayaasha Deg Gaashaamo Oo Maanta Jaamac Dubad U Imanaya Xaqiiqo Raadinta Xasuuqii Maatidii La Gumaaday + Liyuu Booliskii Oo Laga Qaaday Dhammaan Deegaanada 

Isniin.20.06.16Gaashaamo (GNO)- Warar hadda naga soo gaadhaya Degmadda Gaashaamo oo ka tirsan Killidhka Shannaad ee Is-maamulka Somaalida dalka Faderaaliga ah ee Itoobiya, ayaa shaaca ka qaadaya inuu magaaladda Gaashaamo ay ka soo amba bixi doonaan mar dhow wefti ballaadhan oo uu hogaaminayo Taliye Ku Xigeenka Guud Ee Ciidanka Milateriga Xukuumadda Faderaalka Itoobiya oo daraad fiid cawlkii soo gaadhay Gaashaamo.

Weftiga Taliye Ku Xigeenka Guud Ee Ciidanka Milateriga Xukuumadda Faderaalka Itoobiya oo ay ka mid yihiin odayaasha deegaankaas, ayaa sida ay Shabakedda Caalamiga ah ee Qumannews.com u xaqiijiyeen qaar ka mid ah dadweynaha reer Gaashaamo u socdaalaya deegaanka Jaamac Dubad oo ah magaaladdii ay 05/06/2016-ka ku xasuuqeen ciidanka Umullo-doox ah ee loo yaqaano Liyuu Boolis dadkii isugu jiray haweenka, caruurta iyo dad waayeel ah, isla markaana ahaa shacab masaakiin ah oo aan wax hub ah haysan.
Waxaana lagu sheegay u jeedadda dhabta ah ee keentay inuu weftigani tago ama u socdaalo saaka Jaamac Dubad ay tahay mid la xidhiidha xaqiiqo raadin jiritaanka dadkan la xasuuqay iyo inay ahaayeen dad shacab ah oo maati aan wax hub ah haysan in si rasmi ah loo hubiyo, kaasoo la sheegay inay ka go’an tahay xukuumadda dhexe ee Faderaalka Itoobiya hubnaanshaha xasuuqan si talaabadii ku haboon looga qaado cidii ku kacday.
Warkan Qumannews.com ka helayso magaaladda Gaashaamo oo ay hoos timaado maamul ahaan magaaladda dhibtu ka dhacday ee Jaamac Dubad, ayaa sheegaya inay ka mid yihiin odayaasha la socda Taliye ku xigeenka ciidanka milateriga Itoobiya odayaashii ay hore u qafaasheen Ciidanka Umullo-dooxa ee Liyuu Boolis, kuwaasoo si toos ah uu taliye ku xigeenkani xoriyadoodii ugu soo celiyey daraad galabtii markii uu soo gaadhay Degmadda Gaashaamo, isagoo habeen hore, shalay ilaa xalay shirar balaadhan oo is-xog-waraysiya kula yeeshay wax-garadka iyo odayaasha Gaashaamo, kulankaas oo odayaasha iyo wax-garadka deegaanku si toos ah ugu gudbiyeen warka la xidhiidha xasuuqa iyo sababaha ka dambaysa ee ciidankani u caadaysteen xasuuqa shacabka deegaankan degan. Taliye ku xigeenka oo ay la socdaan ciidan aad u badan oo ku gaashaaman noocyadda kala duwan ee tiknikada, ayaa daraad fiid cawlkii soo gaadhay Gaashaamo, ayaa isna dhankiisa u sheegay odayaasha inuu u socdo xaqiiqda dhabta ah ee la xidhiidha xasuuqa, isla markaana loo baahan yahay in la is-dajiyo nabada dalkana la ilaaliy, isagsoo u sheegay inay dawladda dhexe u soo dirtay ogaansha xasuuqa iyo dhab ahaantii sida ay wax u dhaceen, kaasoo odayaasha iyo dadweynaha deegaankaba ka codsaday inay xukuumadda ka go’an tahay in si dhab ah loo hubiyo xasuuqan, kaasoo laga qaadi doono cidii ku kacday talaabo sharciga waafaqsan. Waxa kale oo uu sheegay Taliyuhu wax-garadka iyo odayaasha deegaanka in aanay xukuumadda dhexe ee Itoobiya sinaba uga raali ahayn in muwaadiniinteeda loo geysto wax dhibaato, isla markaana gumaadkan ay xukuumaddu ka xun tahay, xaqiiq dhab ah-na ay doonayaan hadda oo ay baadhitaan dheer ku samaynayaan xasuuqan oo tilmaamay inay ka dharegsan tahay dawladda dhexe cabashadda iyo yeedhmadda dadweynaha muwaadiniinta Itoobiyaanka ah ee ku nool deegaanadda ay xukunto Gaashaamo, warku wuxuu intaas raaciyey weftiga iyo odayaashu si fiican isku af-garteen is-xog waraysi dheer kadib.
Dhanka kale, warku wuxuu intaas ku darayaa inuu taliye ku xigeenku amray dhammaan masuuliyiinta Gaashaamo in aanay ka bixi Karin Gaashaamo ilaa inta uu dawladda dhexe amar dambe ka soo baxayo. Sidoo kale waxa lagu amray ciidankii dadka xasuuqay ee Liyuu Boolis inay iskugu ururaan goobo cayiman oo uu milateriga dawladda dhexe u qorsheeyey.
Geesta kale, guud ahaan-ba shacabka ku dhaqan deegaanadda kala duwan ee ay xukunto degmadda Gaashaamo oo wali la anfariirsan xasuuqii Jaamac Dubad ee lagu dilay dadkii 33-ka qof gaadhayey, ayaa si weyn u soo dhoweeyey talaabaddan ay xukuumadda dhexe dhanka wanaagsan u qaaday.
Gunaanadkii warar aan la xaqiijin oo ay dadweynaha deegaankaasi aad isu la dhexmarayaan, ayaa sheegaya in ciidanka falkan xasuuqa ah geystay ay war-bixinta khaldan ka siiyeen gumaadka shacabkan dawladda dhexe ee Faderaalka Itoobiya, war-bixintaasoo nuxurkeedu ahaa inay laayeen dad argagixiso ah oo hubaysnaa, isla markaana aanay jirin dad shacab ah oo ay xasuuqeen.
Salaanmedia/Gashaamo Source Qumannewsnews

News Related