Published:

Hargeysa(GNO)June.22,2016-Wasiirka wasaarada Biyaha Somaliland Baashe Cali Jaamac oo maanta qaar ka mid ah warbaahinta kula hadley magaalada Hargeysa ayaa waxaa uu ka jawaabay hadalo dhawaan ka soo yeedhay gudoomiyihii hore ee gobalka Banaadir  ee dalka Somaliya Muddane Tarsan hadalkaas oo uu Tarsan ku kicinaayey bulshada ku dhaqan gobalada Sool iyo Sanaag ee Somaliland.

Wasiirka biyaha ayaa waxa uu hadaladaasi ka soo yeedhay gudoomiye Tarsan ku tilmaamay qaar aan wax ka soo qaad laheyn oo  riyo ah waxaana uu yidhi

“Tarsan  gobalka Sool muu arkin baan filayaa waligii inta uu noolaa , gobalka Sanaagna muu arkin wuu maqlay uun markaas waa iska riyo maalmeed hadalkiisu oo dadka halkaas ku nool daruuftooda kama war hayo  dana uma hayo

Waxaana aan hadalkiisa aan u arkaa hadal meel waayey oo markii ay iyagu xilkoodii maamuli kari waayen oo ay moqdisho maamuli kari wayaan in ay dalka intiisa kale khal khal galiyaan markaas Tarsan waxaan halkan uga jawaabo ma jirto oo xil uu hayaaba ma jito mar buu ahaan jiray gudoomiye markaas waa nin iska riyoodey” ayu yidhi wasiirka wasaarada biyaha Somaliland  Baashe Cali Jaamac

Sidoo kale gudoomiyaha ayaa waxaaa uu ka hadley  mareeye ay dhawaan wasaaradiisu u magacowdey magaalada gabilay oo shalay ay ka hor yimaaden golaha deeganka Gabilay.

Halkan hoose ka daawo muuqaalka

News Related