Published:

Xukuumadda Somaliland waxa la gudboon in Itoobiya ay kala xaasho, inta uu dhiiggu qoyan yahay, dadka lagu gumaaday Jaamac Dubbad oo ka mid ah gobolka Gaashaamo maalintii bilashada Ramadaan ka horraysey ee 05/06/2016.

Dadka dhulkaas deggani maamul ahaan waxa ay raacsan yihiin Itoobiya, gaar ahaan Ismaamulka Soomaalida, hase yeeshee isir ahaan waxa ay ka soo jeedaan oo dhiig iyo dhalasho la wadaagaan Somaliland.

Ka hor 28-kii Feb 1954, waxa ay ka mid ahaayeen British Somaliland. Wixii ka horreeyey 1960-kiina, waxa ay ahaayeen dad leh xuquuqda in ay labada soohdimood isaga tallaabaan, iyada oo loo aqoonsanaa dad xoolo dhaqato ah oo la guurguura hogosha roobka oo isaga gudbi kara labada xuduudood. Taasi wixii 1960 ka dambeeyey iyo maantadaa la joogana waa xaqiiqo jirta oo ay tahay in loo tixgeliyo mar kasta oo daymo iyo garasho loo yeesho.

Dhinaca kale, dadkaasi waa laba jinsiyadoodle. Mar waa Itoobiyaan oo waxa dhigaya oo xuquuqdaas siinaya distuurka federaalka Itoobiya, mar kalena waa Somalilanders oo waxa xuquuqdaasna siinaya distuurka Somaliland. Waxa ay haystaan Mustawaqaha Itoobiya iyo Warqadda Aqoonsiga ee Somaliland.

Waa laba geyiileyaal xuquuqo dhalasho oo labadaas waddan ah oo marka ay degaankaas Itoobiya ee ay ka tirsan joogaan waa in ay cashuurta bixiyaan, una hoggaansamaan shuruucda halkaas wax lagu dhaqo, marka ay dhinaca Somaliland u soo guuraanna waa in ay cashuurta bixiyaan, una hoggaansamaan shuruucda halkaas ka ciidamisa. Taas baa keenaysa in labada maamulka xuquuqda dadkaas ilaaliyaan oo ka difaacaan cid kasta oo waxyeello ugu foogan.

Sidaas awgeed, waxa xukuumadda Somaliland xaq u leedahay in ay ilaaliso xuquuqda dadkaas, si la mid ah sida looga baahan yahay in Itoobiyana u ilaaliso.

Badiba qabaa’ilka dega Somaliland degaan ahaan waxa ay galaan jiiddaas hawdka sare ee xidhiidhsan min bari laga bilaabo carro Dhulbahante ilaa galbeedka degaanka Samaroon iyo Ciise.

Haddaba, Xukuumadda Somaliland waxa la gudboon in ay arrintan hadda qoyan ee maato-dooxa ah ay si toos ah uga la hadasho xukuumadda dhexe ee Itoobiya, si sharciga loo horkeeno cid kasta oo lug ku lahayd falkaas waxshinnimo ee Jaamac Dubbad ka dhacay.

Ugu dambayna, waxa kale oo muhiim ah in xukuumadda Somaliland si geesinnimo iyo garasho leh uga la xaajooto Itoobiya in ilaalinta xuquuqda dadkaas uu yahay xil wada saaran labada geesood, wax kasta oo ammaanka iyo xasilloonaanta degaannadaas carqalad ku noqodaana uu waxyeellayn doono nabad ku wada noolaanshaha shucuubta labada dal ku nool.

“Ninkii aan doog dhaban biyaha looma soo daro” –Timocadde.baashe

Qalinkii Maxamed Baashe Xaaji Xasan

News Related