Hargeysa(GNO)-Warbaahinta ka hawl gasha gudaha Dalka Somaliya ayaa soo bandhigtey kulan magaalada Nairobi ee Caasimada Dalka Kenya ku dhex maray Waftigii balaadhnaa ee Xisbiga Waddani ee dhawaan halkaasi tagay iyo Raysal-wasaaraha Dalka Somaliya Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke kaasi oo ka dhacay huteelka savena ee Magaalada Nairrobi.
Radio Dalsan oo ka mid ah Warbaahinta ugu afka dheer ayaa kulan soo bandhigtey warbixin ay ku qortey Luuqada Ingiriisiga ayaa waxay ku sheegtey in ujeedada kulanka Raysal Wasaaraha iyo masuuliyiinta ugu saraysa xisbiga Waddani uu ahaa sidii ay Somaliland uga taageeri lahayd hamigiisa ah in u ku guulaysto doorashada dhamaadka bishan la filaayo in ay Dalka Somaliya ka dhacdo ee uu u sharaxan yahay.
Warbixinta ayaa xustey in Waftiga Xisbiga Waddani ee uu hogaaminaayo Gudoomiye Cirro isna dhankiisa u soo bandhigay taageerada ay uga baahan yihiin in u ka taageero dhinaca maal galinta si uu ugu guulaysto Doorashooyinka Somaliland.
Dhanka kale warbixinta oo sida ka muuqata Somaliland aan lagu xusayn balse loo isticmalayo maamul ahaan ayaa ugu dambayn waxa lagu sheegay in C/rashiida Cali Sharmaarke uu dhankiisa ka codsaday in lagala hawl galo sidii u u heli lahaa codadka Xildhibaanada ka soo jeeda Somaliland eek u sugan Xamar kuwaasi oo dhawaan ay isku dhaceen Raysal wasaaraha ka dib markii la isku khilaafay halka lagu qabanaayo doorashada xildhibaanada Beelaha S/land.
Gabo gabadii waxa warbixintu xustey in mucaaridka Somaliland inta badan lau dhaliilo in ay dalkooda dilaalayaan isla markaana warbaahinta Somaliland ay arintaasi wax ka qortey.
Warbixintan ay qortey Idaacada Dalsan oo ka mid ah Warbaahinta ugu afka dheer Somaliya ayaa dhabar jab ku ah hadii ay run tahay Xisbiga Waddani iyo Qaranimada Somaliland
Halkan ka Akhriso Warbixinta Khiyaanada Xisbiga Wadani oo Ingiriisi ah