Published:

Abtiyaashay waxay ku hadleen hadal ay ku qasbeen siyaasiintooda oo sas ka qaaday beelaha habar cafaan oo ku biiray xisbiga kulmiye .by maxamed jeex

Marka hore waxaan aad uga xumahay dhamaan hadalkii maanta ka soo yeedhay beesha makaahiil oo ah abtiyaashay kuwaasoo ahaa mid ay ka soo shaqeeyeen dad siyaasiin ah oo aan rabin midnimada beelaha gadabuursi.

Hadaba siyaasiinta arintaa ku qalqaaliyey odayaasha waxaan odhanlahaa waad gaadheen dantiinii inaad isku dirtaan beelaha gadabuursi laakiin waa waxaad ka heshaan waayo? Waxaad ka bilowdeen meel aad u qaloocda oo keeni karta burbur ku yimaada beelaha gadabuursi.

Siyaasiinta beesha makahiil waxaan leeyahay abtiyaal waxay ahayd inaad meel kale ka raadisaan codka shacabka laakiin ma,ahayn inaad iska horkeentaan beelaha walaalaha ah ee gadabuursi.

Haddii aad ka qaadeen sas beelaha habar carfaan ee ku biiritaanka ay ku biireen xisbiga kulmiye maaha inaad taa badalkeedii aad isku dirtaan reer raha wadashay ee wada dega dhulka balaadhan ee aan kala maarmayn markastaba.

TALO KU SOCOTA BEELAHA MAKAHIIL EE ABTIYAASHAY AH
salaadiinta beelahaas waxaan kula talin lahaa waa inaad si deg deg ah uga laabataan go,aankii shaley aad gaadheen ,oo ahaa mid qodoxyo badan lahaa dadkana kala fogeynaayey ,haddii kale waxaa dhici doonta iney talaabo taa ka adag qaataan beelaha kale ee aad alyadeyseen ,waaa inaad raali galin siisaan suldaanka guud ee beelaha gadabuursi suldaan dhawal oo ah suldaanka loogu jecelyahay dhamaan dhulka gadabuursigu degaan gudo & dibadba ,

Allaa mahad leh
By maxamed jeex
Brussels belgium.

News Related