Badhasaabka gobolka Saaxil mudane Jaamac Yuusuf Axmed ayaa ka hadlay muran xoogan oo ka taagan masaajid ku yaala magaalada Berbera oo ay isku haystaan laba dhinac oo kala ah culimada Timo-waynta iyo qoys sheegay inay dhiseen masaajidka ayna leeyihiin dhismaha masaajidku ka binaysan yahay.
Muranka masaajidka oo guddi loo saaray xallintiisa ayaa go’aamisay maalinkii arbacadii in gacan ku haynta masaajidka lagu wareejiyo qoyska sheegtay inay dhiseen masaajidka halkaas oo dhinacii kalena ay ku gacan saydheen go’aankaas ay soo saareen gudidu.
Gudoomiyaha gobolka Saaxil Mudane Jaamac Yuusuf Axmed oo wargeyska Saxan-saxo uga waramay khilaafka masaajidka ka taagan iyo halka ay marayso xalinta arrinkani,waxaana uu sheegay inay ku rajjo wayn yihiin inay dhameeyaan balse ay hadda xukuumaddu gacanta ku hayso masaajidkan.
Jaamac Yuusuf Axmed oo arrintaas ka hadlaya waxa uu yidhi
“Guddi ayaa go’aan ka gaadhay arrinta masaajidka markaa qoladii Timo-waynta ayaa ku qanci wayday oo anbiil ayey ka qaateen,markaa waxa go’aan lagu gaadhay inta ambiilkoodu furmayo inay dawladu sidaas gacanta ugu hayso masaajidka,waana la qufulay,ilaa sabtida ayaanu xal ka gaadhi doonaa hadii alle yidhaahdo,xertan Timo-waynta ah ayaa ilaa 30 sanno muddo ka badan soo maamulayey sida ay dacwadooda kusoo dhiibteen,kadibna waxa ku qabsaday qoladii masaajidka dhistay markii hore,arrintaa xalinteeda waanu ku jirnaa meel fiicana way noo maraysaa” sidaas ayuu yidhi mudane Jaamac Yuusuf Axmed.
Badhasaabka gobolka Saaxil ayaa sharaxay xubnaha ay ka kooban yihiin guddida arrinkan go’aanka ka gaadhay waxaana uu yidhi
“Guddida loo saarayna waxay ka kooban yihiin wasaaradda Diinta iyo Awqaafta iyo xubno gobolka ka socda go’aan ayey kazoo saareen kadib qolada xerta ah ayaa ku qanci wayday waxaanay ambiil u qaateen maxkamadda,waxaana laysku haystaa cidda masuul ka noqonaysa masaajidka taasna shareeco ayaa lagu kala saarayaa,guddiduna waxay xukumeen inay masuul ka noqdaan qoladii dhistay masaajidka xal ayaana laga gaadhi doonaa “sidaas ayuu yidhi gudoomiyaha gobolka Saaxil.
Dhinaca kale masuuliyiinta wasaaradda diinta iyo awqaafta Somaliland ee gudida ka ah garnaqa khilaafkani oo aanu isku daynay inaanu la xidhiidhno ayaanay noo suurto galin si aanu wax uga waydiino khilaafkan ka taagan masaajidka Berbera ku yaalla.
Xigasho Saxan-saxo