Published:

Qisadan ay ka hadleysay gabadhan ka timiday dalka UK. Ee loo yaqaan ingiriiska ayaa isoo jiidatey markii aad weydiiyey waxay u xidhantahay dharka cas taasi oo aan aad uga heley sida ay wax iigu sharaxday oo ahayd runtii hadalo muhiim ah.

Gabadhaa dharka cas xidhani Waxay igu tidhi waxaan dharkan cas soo iibsaday maalintii kooxdii dhagar qabayaashu ay indhaha nolosha kaga soo saareen walaalkay Liban Moustapha Hassan oo ah wiil dhalinyaro ah aadna u firfircoon.

Maalintaas oo ay bishu ahayd 06/11/2016 aniguna dharka cas waxaan soo iibsaday isla maalin kadib oo ay taariikhdu ku beegneyd 07/11/2016.

Gabadhaaasi waxay ii sheegtey in ay dhigeyn dhargan cas ilaa inta kuwii ka dambeeyey dhibaatadaas waxashnimada ah u geystey walaalkay liban moustapha hassan oo ku dhawaad 2 labo bilood indhihiisii la ,sidaas ayaan dhargaacas u xidhnaanayaa ilaa inta maxakamada dalka belgium ay soo qaqabaneyso kuwii bilaa arxanka ahaa ee indhaha nolosha kaga soo saarrey liban yare,walina qaar kamid ah kuwaasi ayaa suuqyada magaalada bruxelles dhax wareegaaya ,ana dhargaacas waan xidhnaanayaa.

Gabadh kale oo ka soo buuqatey dalka FRANCE iyana waxay sheegtey iney aad uga xuntahay sida miidhada leh ee liban moustapha hassan ay ula dhaqmeen nimaankaasi aan ku tilmaamikaro waa cadawga umadaha horey u maray.

Nimankaa qadar jabiyey liban ee dhihiisii ka soo tuurey ,waxaan leeyahay umada oo dhani ha,iska qabato hana ku markhaati furaan nin walba wuxuu ka ogaa arintaasi si ay ugu fududaato cadaalada belgiumka.

Guntii & gabagabadii waxay ku soo koobeen dhamaan umada reer djibouti& reer soomaaliyaba waa iney si deg deg ah uga qayb qaataan gargaarga la rabo in liban moustapha hassan wax loogu qabto indhihiisa si wadamada wax ka qabankaro loogeeyo intaasi ayaan ka codsaneynaa umada islaamka ah & soomaalidaba.

Ahmedjama@hotmail.com
By ahmed jama
Brussels.img_41311

News Related