Ganacsade Markab Caws ah dalka kanada uga soo iibiyey xoolo uu ku dhaqdo Somaliland
Hargeysa(GNO) Ganacsade Reer Somaliland ah oo ka ganacsada dhaqashada Geella ayaa Markab Caws ah xoolihiisa uga soo iibiyey dalka Kanada, waxaanu Markabkii siday Cawsku ku soo xidhay Berbera shalay sida ay Ilo wareedyo u sheegeen Waaheen. Cawka uu Markabku sido ayaa la sheegayaa in ninka Ganacsadaha ahi ugu talo-galay xoolihiisa inta ka soo hadhana uu ka iibin doono dadka kale ee Xoolo dhaqatada ah ee Reer Somaliland.
Ganacsadahan oo la yidhaa Fardoole isla markaana ka tirsan Qurba-joogta Reer Somaliland ee dalka ku soo noqotay ayaa ku dhaqda Geel deegaamo kala duwan oo ka tirsan waqooyiga iyo Koonfurta Hargeysa, waxaanu ka mid yahay ganacsadayaal suuqyada Somaliland keena Caano Geella.
ganacsadahan oo beerta dhulal kala duwan ayaa culayska abaaraha ka jira dalka dartood hindisahan cusub u keenay isagoo u danaynaya xoolihiisa iyo kuwa kale ee Reer Somaliland.
cawka uu keenay ganacsadahan ayaa maanta lagu soo hadal qaaday kulan balaadhan oo ka dhacay Jaamacadda Hargeysa, kaasoo ay ka soo qayb galeen aqoonyahano badan oo daraasad ku wada sidii looga bixi lahaa abaaraha soo noq noqday oo ay sheegeen in ay tahay arrin u baahan qorshe guud oo qaran in laga yeesho.
aqoonyahanada ayaa sheegay sababta Cawskan uu usoo iibsaday inay ka mid tahay xukuumadda oo aan qorshe wax lagaga qabto abaaraha wali diyaarin iyo dadweynaha oo gabay inay isku tashadaan oo wax beertaan.