Burco(Waaheen):Gudoomiyaha Xisbiga KUlmiye Muuse Biixi Cabdi Iyo Wefti Balaadhan Oo Uu Hogaaminaayo.Ayaa Kulan La Qaatay Gudida Gurmadka Abaaraha Ee Gobolka Togdheer Iyo Masuuliyiinta Heer Gobol Iyo Heer Degmo
Weftidan Oo Ay Ka Mid Ahaayeen Wasiirka Wasaarada Madaxtooyada Somaliland,Wasiir Ku Xigeenka Wasiiru Dawlaha Wasaarada Maaliyada Somaliland Iyo Masuuliyiin Kal Oo Ka Tirsan Xukuumada Somaliland
Waxaana Shirkan Lagaga Wada Hadlay Xaalada Abaareed Ee Soo Wajahday Gobolka Togdheer ,Iyadoo Munaasabadaasna Lagaga Warbixiyay Xaalada
AbaareeD Ee Ka Taagan Guud Ahaanba Gobolada Bariga Somaliland Oo Halkii Ugu Xumayd Maraysa,Waxaana Ugu Horayntii Munaasabadaas Ka Hadlay,Gudoomiyaha Gudida Abaaraha Heer Gobol Ahna Badhasaab Ku Xigeenka Gobolka Togdheer Waxaanu Ka Dayriyay Abaaraha Ka Taagan Gobolka Isaga Oo Sheegay In Dadka Iyo Duunyada Ay Hayso Abaartu,Ay Hayso Biyo La,aan Iyo Baad La,aan Balse Hada Ay Gurmad Ugu Jiraan Sidii Loo Badbaadin Lahaa Nolosha Dadka Balse Ay Is Daayeen Badbaadinta Duunyo,Waxaana Halkaasi Ka Sheegay,Arimo Naxdin Badan Oo Haysta Dadka Abaaruhu Saameeyee,
Sidoo Kale Badhasaabka Gobolka Togdheer Maxamuud Saleebaan Ramaax Oo Gudida Abaaraha Qaranka Somaliland Iyo Xukuumada Ugu Baaqay In Xil Weyn Layska Saaro Sabata Bixinta Dadka Ay Abaartu Ku Dhufatay Ee Kunool Gobolada Bariga Somaliland,
Xubno Ka Mida Gudida Gurmadka Abaaraha Gobolka Togdheer,Ayaa Ka Warbixiyay Habsami U Socodka Shaqada Gurmadka Abaaraha Waxaanay Sheegeen Inaanay Jirin Wax Lacaga Oo Ay Hada Taaban Karaan Balse,Waxa Ay Sheegeen In Qasnada Gudida Abaaraha Gobolka Togdheer Ay Hada Ku Jirto Lacag Gaadhaysa 8 Kun Oo Doller,Taas Oo Hakad Gelisay Gurmadkii Loogu Jiray Abaaraha Iyaga Oo Masuuliyiinta Sar Sare Ee Xisbiga KULMIYE Iyo Xukuumada Ka Codsaday Inay Gacan Ka Geystaan Isla Markaana Qayb Libaaxle Ka Qaataan Gurmadka Abaaraha
Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi Oo Munaasabadaasi Ka Hadlay Ayaa Tibaaxay In Xukuumadu Si Weyn Ugu Xusul Duubayso Sidii Gudida Abaaraha Ee Heer Qaran Saldhig UNoqon Lahayd Magaalada Burco Isla Markaana Si Dhow Ula Socdaan Xaalada Isbedel Ee Ka Jirta Gobolada Bariga Somaliland,Sidoo Kale Wasiir Maxamuud Xaashi Waxa Uu Ka Hadlay Qorshayaal Cusub Oo La Doonaayo In Lagu Sabato Bixiyo Dadka Abaaruhu Samaeeyeen
Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi Ayaa Sheegay Inuu Gudida Abaaraha Gobolka Togdheer Ugu Deeqay 40 Kun Oo Doller Kuwaas Oo Loogu Talo Galay In Biyo Loo Siiyo Dadka Ay Abaaruhu Saameeyeen,Waxaana Deeqdan Si Balaadhan Uga Mahadnaqay Gudida Gurmadka Abaaraha Heer Gobol Iyo Badhasaabka Gobolka Togdheer,Kuwaas Oo Sheegay Inaanay Markii Hore Hayn Wax Lacaga Oo Loogu Gurmado Dadka Abaaruhu Saameeyeen

