ILLAAHOW NA DOORI DUCANA WAY NOQOTAA:
Waxaan dhamaanteen ku dhego barjawnay qabyaalada qaawan ee siddii roob dabaylo wata dhinac walba inoogaga timid:
Anaga oo ah beesha Habar Dacawo waxaanu u sheegaynaa xisbiga waraabe xereeye inaanu…..
Anagoo ah haweenka beesha Habar-dugaag waxaanu u sheegaynaa xisbiga bisaas xaraashe in…….
Islaan, oday, siyaadi, jaamici, gidaar-joog, sheekh, iwm….luuqada keliya iyo cilmiga keliya ee ay bartaan/isku fahmaan waa cilmiga ” Ma reerkaygaan hall kiraysan karin”. Horaa nin looga hayaa: Illahayoow ama dadkayga sidooda iga dhig ama iyaga sidayda ka dhig.
Waxaan runtii layaabay umad dhan oo leh aduunyadaan rabnaa in aan wax la qaybsano oo hadana sheekadoodii dhaafilaadahay hebel iyo heblaayo, reerkiina iyo reerkayaga.
Waxaan ahay reerkuu Illahay iga dhigay maalintaan dhashay mana bedeli karo, adna waxaad tahay reerkii Illahay kaa dhigay maalintaad dhalatay, mana bedeli kartid. Meeshuu Illahay reerkayga ku abuuray ayay iyaguna degen yihiin, adigu na meeshii Illaahay reerkiina ku abuuray ayay degen yihiin. Labadeena reer midna doorasho ma laha oo meeshii ay 100 sanno degenaayeen ayay degen yihiin. LAAKIIN, midbaynu wadaagnaa oo labadeenaa aduunka ugu hooseeya ( adiga iyo aniga). Mid kalena waynu wadaagnaa oo labadeena reer ama labadeena habrood ayaa aduunka ugu hooseeya. Marka maxaa talo ah?
Kolay aniga taladaydu waxay tahay awoowgaa iyo awoowgeyba arrinkii iyo taladdii ay aduunka kaga habsaameen meel inaga ina gaadhsiinmaysee inagu, (adiga iyo anigu) intaan meesha gaajo inagu dilin aynu wax wada qabsano.
Ama Bah-Hudheel ka heese ugu yeedh ama reer Waraabe cune ugu yeedh, ama habar-basbaaso ugu yeedh….. reerkiinuna waa bakhti, reerkayaguna waa bakhti, waayo haday wax is dhaamaan aduunkay wax la qaybsan lahaayeen oo sanad walba 6 biloodna biyo la’aani inama disheen, 6 biloodna daad inama qaadeen.
Anoo dalkayga jecel, anoo dadkayga jecel ayaan dayaankooda nacaa. Illahaw duliga naga qaad.