Xalayto oo taariikhdu ahayd December 17, 2016, ayaa Jaaliyadda reer Somaliland ee ku dhaqan nawaaxiga Washington, DC, ay ku kulmeen meel ah munaasibad ay dhaqaalo ugu uruurinayeen dadka walaalahooda ee abaarta xumi ay ku hayso wadankii. Halkaas waxaa lagu uruuriyay dhaqaalo ku dhoow $10,000 oo dollar. Waxay guddiga abaaraha oo kala ah, Canab Mohamud Ali, Kanachi Mohamed Khawi, Kaltoon Hussien Issa, Farah Mohamud Mohamed, Hodan Abdi, Ali Tarabi Jamac, Fahima Mohamed Aar iyo Mohamed Hami, ay u mahadcilinayaan dhamaan dadkii dhaqaalaha ugu deeqay dadkaa dhibaatadda ku haysato halkaas.
Canab Mohamud Ali, ayaa dadkii halkaas isku yimid ku goobaabisay in aynay maanta uu noqonin aad waxtartaan dadkaa walaaladiin ee abaartu haysato, ee loo baahanyahay in maadaaboo abaartane la saadaalinayo in ay dheeraanayso, aad bil walba xasuusnaataan inaad wax ka gaysataan.
Odey Ibraahim Abdi Warsame (Qodaal), oo ah odayada magaalada ayaa isna u duceeyey dadkii wax ka bixiyay qaadhaanka, xasuusiyayna dadkaa in illahay wax ka khayr badan ugu badalo meeshaa ay ka soo saareen dhaqaalahaas ay ku caawiyeen dadkaa muslimiinta ah ee dhibaataysan.
Sidoo kale, Farah Mohamed, ayaa isna aad ugu guubaabiyay in maanta ay tahay maalintii aan laka hadhijiran, una sheegay dadka reer Somaliland ee aan wali ka qayb qaadanin qaadhaan bixintan inay sidda ugu dhaqsaha badan u bixiyaan. Dadkaasna u sheegay inay qaadhaanka dhigi karaan Dahabshiil, Falls Church.
Ugu Dhanbaytii, Guddoomiyaha Jaaliyadda, Jamal Yusuf Daroor, ayaa baaq u diray dhamaan dadka reer Somaliland ee ku nool Maraykanka in iyaguna siddan oo kale wax ugu uruuriyaan dadkaa dhibaatadu wadankii ku haysato. Kuna guubaabiyay sidii looga fakiri lahaa in la helo xal waara oo aynu u helno dhibaatadan soo noq noqonaysa.