Waxaan shaki ku jirin in weeraradan ay soo abaabuleen garabka mayalka adag ee qaabka jabhadaysan u hawl gala ee horana Hargaysa uga fulin jiray qaraxyadii shaanida loogu magac daray ee xiligii loolankii musharaxa kulmiye uu ka oognaa Hargiesa galbeedkeega laga fulin jiray. Garabkan fulayda ah ee aan soo badheedhi karin waxay maciin bideen inay kolba cidii ay u arkaan inay mucaaradad adagtay ay isku dayaan inay baqo galiyaan iyagoo weeraro gaadmo ah u gaysanaya. Dhacdooyinkan ugu danbeeyey ee lagu weeraray Xooghaye Barkhad iyo Gudoomiyaha garabka dhalinyarada ee xusbiga Wadani waxay khalkhal galin karaan nabada dalka ka jirta iyo aaminada lagu qabi karo ciidamada amniga oo ilaa hadda aan talaabo ka qaadin jabhadaa camaasiirta ah ee taageerada caadifadaysan ugu jibaysan inay xoog kursiga ku saaraan Musharaxa aan kalsoonida badan isku qabin ee Muuse Biixi.
Arinkan hadii aan si dagdag ah wax looga qaban, sharcigana la horkeenin fulaydaa qalalaase doonka ah, waxa iman doonta in qofkasta isku dayo in uu is difaaco, raga waaweyn ee soo diraya camaasiirtaasna ay guryahooda ka cararaan marka ay dhabi dhab tagto. Waxa kaloo baryahan dadka reer Somaliland lagu soo dhex tuurayay hadalo kala shaki ku keeni kara wadajirkooga iyo ciidamada qaranka oo ah rukumada adag ee qarankan yari ku taaganyay. Hadii qaraxyadii shaanidu ay Muse Biixi musharaxa xusbiga kulmiye ka dhigtay lagama yaabo inay imika weerarada fulaynimada ay kursiga saaraan. Ummada waxa lagu hantaa Barnaamuj Siyaasadeed oo kaa gadma ee cagajuglayn, boob, qabyaalad, iyo kalitalisnimo kursiga laguma fuulo. Ummada reer Somaliland ee dalkooga jecel iyo taageerayaasha xusbiga Wadaniba waxa ugu baaqaynaa inay ka fogaadaan waxkasta oo ceeb iyo foolxumaba usoo jiidaya qaranka aan doonayno inaan ka badbaadino kuwa aan aragtida fog lahayn ee xaalkoogu noqday “”cadyahaw ku cunay ama ku ciideeyay””.
By Abdi Ismail Abib
Kingdom of Belgium