Masuuliyiin ka tirsan maamulka Puntland ayaa gudaha somaliland gaar ahaana deegaano ka tirsan gobolka Sool ka bilaabay hawlgalo ay ka taageerayso hay’adda WFP.
Wasiirkii daah furayay mashruucan ee lagu magacaabo Axmed cilmi Cismaan ayaa ka dhawaajiyey in deeegaanka Tukaraq ka tirsan tahay maamulka Puntland isaga oo sheegay inay maamulka Puntland ay deegaankan Tukaraq u noqon doonto xarun laga caawiyo dadka abaaruhu saameeyeen.
Maamulka Puntland ayaa mudooyinkii u danbeeyey gudaha dalka somaliland ka waday faro galin qaawan,iyada oo ay xusid mudan tahay in dhawaana ay magaalada Laascaanood ku dhex sugnaayeen wasiiro iyo xildhibaano ka tirsan maamulkaasi Puntland.
Dawlada Somaliland gaar ahaana wasaaradda arrimaha gudaha somaliland ayaan iyadu ilaa hadda ka hadal faro galinta qaawan ee ay maamulkani ka dhex wadaan gudaha dalka somaliland.