Published:

45Moqdisho (GNO):- Shirkii Hogaamiyaasha Madasha Wadatashiga Qaran magaalada

Muqdisho uga socday 15 – 24 Dicembar ee sanadkan ayaa ugu danbeyn laga doo saaray War-Murtiyeed dhoor qodob ka kooban ay isku raaceen Hogaamiyaasha Madasha.

 

Hogaamiyaasha Madasha Wadatashiga Qaran ayaa isku raacay in 18-xubnood oo dheeraad ah lagu daro xubnaha Aqalka sare ee Baarlamanaka Federaalka, waxaana xubnahan si siman loogu qeybin doonaan maamul goboleedyada dalka.

 

Halkan ka Aqiro War-Murtiyeedka kasoo baxay Shirkii Madasha Wadatashiga Qaran

 

Kulanka waxaa shir-guddoominayay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, waxaana ka soo qayb galay Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka, Mudane Maxamed Cusmaan Jawaari; Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka, Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke; Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Xukuumadda Federaalka, Mudane Maxamed Cumar Carte; Madaxweynaha Puntland, Mudane Cabdiweli Maxamed Cali-Gaas; Madaxweynaha Jubbaland, Mudane Axmed Maxamed Islaam; Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Mudane Shariif Xasan Sheekh Aadan; iyo Madaxweynaha Galmudug, Mudane Cabdikarin Xuseen Guuleed, Madaxweynaha Hirshabeele, Mudane Cali Cabdullahi Cosoble iyo Guddiga Xallinta Khilaafaadka oo iyagu si gooni ah loo casumay si aay warbixin u siiyaan MHQ.

 

1. Ujeedada Kulanka.

 

1.1 Kullankani wuxuu daba socday kullankii madasha ee lagu qabtay magaalada Muqdiso, taarikhdu markay ahayd 7dii-8dii Disember, 2016, ujeedadiisuna tahay go’aan ka gaarista iyo dhameystiridda arrimaha ka harsan dooroshada dadban ee golaha sharci dejinta qaranka ee 2016ka.

 

1.2 Muddadii kulankan socday MHQ waxay la kulantay warbixinnona ka dhegeysatay hay’ado kala duwan oo ay ka mid yihiin Danjirayaasha iyo deeq bixiyeyaasha u fadhiya wadamooda Somalia ee uu hogaaminaayo Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, GFHDD oo uu hogaaminaayey guddomiyahooda, Mudane, Avv Cumar Maxamuud Cabdulle, Guddiga Xallinta Khilaafaadka oo isna uu hoggaminaayey guddomiyaha guddiga, Mudane Abririzaq Barre Jamac.

 

1.3 MHQ waxa ay sidoo kale waqti siisay xallinta saami qaybsiga aqalka sare ee Barlamanka Soomaliyeed.

 

1.4 Muddadii uu kulanka socday MHQ waxa ay si qotto dheer uga hadashay wax ka qabadka abaaraha dalka soo food saarey.

 

 

2. Dhageysiga warbixinnada guddiyada loo xil saaray fullinta dooroshooyinka dadban.

 

2.1 Madasha waxay kulamo dhowr ah la yeelatay Guddiga Federalka Hirgelinta Doorashooyinka Dadban (GFHDD) ugana xog waramay heerka howlihiisa marayaan iyo natiijooyinka ka soo hoyday degaan doorashooyinka dalka oo dhan. Ka dib markii MHQ iyo GFHDD ay si qotto uga wada xaajoodeen arrimaha uu soo bandhigay guddiga islana meel dhigeen, madaxda madashu waxay ammaan iyo bogaadin u jeediyeen guddiga sida wacan uu u fuliyey xilkaan qarameed ee loo xil saaray iyadoo la ogsoon yahay in ay ku shaqaynaayeen daruufo aad u adag.

 

2.2 MHQ waxay guddiga ka codsatay in kuraasta dooroshooyinkooda dhimman yahiin in aay degdeg u soo afjaraan.

 

3. Dhageysiga warbaxinnada GXKHDD.

 

3.1 MHQ waxay GXKHDD ka dhegeeysatay xog waran tifaftiran kuna saabsanaa 22 kursi ooy dacwadahooda aay dhageysteen dacwooyinkaas oo mid mid MHQ iyo Xubnaha Guddiga si qooto dheer isaga xog wareysteen isuna falanqeeyeen.

 

3.2 Guddiga waxa ay madasha u sheegeen 11 ka mid ah kuraasta muranka ka taagnaa ay dib u falanqeeyeen xalna ka gaareen, oo hadda ay fasaxeen, 11ka kalena ay go’aamiyeen in doorasho dib loogu celiyo.

 

3.3 MHQ iyo Guddiga waxay markaas ka dib wadajir uga baaraangdegeen nuxurka dacwooyinka 11 ka kursi guddigu dib u celiyey. Isu xogwaran ka dib Madashu:

 

a. Waxaa u soo ifbaxay xowliga degdegga ah ay ku socoto hirgelinta doorashada in dhageysiga iyo ka gungaaridda dacwadaha guddigu u helin muddo ku filan oo waqti xadidan lagu dhameystirayo;

 

b. Waxa soo ifbaxay in haddii Guddigu haysan lahaa xogta iyo macluumadka dheeriga ah ee lagu helay iswareysiga MHQ iyo guddigu is dhaafsadeen in go’aanka guddigu uu ka duwanaan lahaa midka ay hadda gaareen.

 

c. Waxaa si cad u muuqatay in marxaladda go’aan ka gaarista guddigu la tixgelenin xaaladaha amniga, siyaasadda ku xeernaa kursi kasta iyo duruufaha degaan-doorasho walba u gaarka ahaa.

 

d. Waxa iyana jirta in go’aanada iyo qaabka go’aan gaaridda guddiyada dooroshooyinka dadban ay ku kala duwan yihiin.

 

3.4 Haddaba, Madashu:

 

a. Ayaadoo tixgelisay macluumaadka dheeriga ah ee kor ku xusan haddii guddigu haysan lahaa u gaari lahaa go’aan ka duwan midka ay kursiga dib ugu celiyeen;

 

b. Garwaaqsatay in ay danta ku jirto in la yareeyo khilaaf iyo is qabqabsi hor leh ka dhalan kara ku noqoshada naatijada doorashada;

 

c. Tixgelisay daruufihii adkaa ee doorashada loo soo maray iyo in la dhowraariyo guuliha qaranka ka gaaray doorashooyinka 2016ka ee laga fuliyey dalka;

 

d. Fiiro gaar ah u yeelatay dhibaatada guud ee ku iman karta, dib u dhac iyo xasilooni darro ku timaada habsami u socodka dhameystiridda doorashooyinka qaran.

 

3.5 Sidaas daaraadeed MHQ waxay guddomisay

 

a. In in kuraasta muranka gashay oo Guddiga Xallinta Khilaaftka Doorashooyinka hakiyey uu isla guddigan dib-u-eegis ku sameeyo ayadoo gundhig iyo qaddarin looga dhigayo macluumaadkii dheeriga ahaa ee kusoo ifbaxay xog-is-dhaafsigii iyo isu xog-warrankii dhexmaray xubnaha Madasha iyo xubnaha Guddiga Xallinta Khilaafaadka Doorashooyinka;

 

b. In dhammaan musharrixiintii Guddiyada doorashooyinku ka hakiyeen xaqa siyaasadeed ee ka qaybgelidda doorashooyinka waa laga cafiyey hakinta xuquuqdooda siyaasadeed oo way ka qaybgeli karaan tartanka doorashooyinka;

 

c. Guddiyada Doorashooyinka Heer Federaal iyo Heer Dawlad Goboleed iyo Guddiga Xallinta Khilaafaadka waxaa laga codsanaya in ay sida ugu dhakhsiyaha badan ee suurtogalka usoo dhamaystiraan hawlaha doorashoyinka weli ka dhiman oo mid walba hor yaal.

 

4. Dib-u-eegista Qoondaynta kuraasta Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka.

 

4.1 MHQ ayadoo tixgelineysa cabashada kasoo noqotay Maamullada Dawladaha Goboleed qaarkood iyo beelo aan horey aan uga mid noqono wax qaybsiga Aqalka Sare Madashu waxay guddoomisay in tirada kuraasta Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka oo ahayd konton iyo affar (54) lagu kordhiyo sideed iyo toban (18) kursi oo sidaas tirada guud ee kuraasta Aqalka Sare noqoto toddobaatan 72 kursi.

 

4.2 Sideed iyo tabanka kursi la kordhiyey waxa si siman loogu kala daray Dawld-Goboleedyada waxaana loo qaybiyey sida soo socota:

 

Magaca———Tirada kuraasta hore—-Tirade kuraasta la kordhiyey—Wadarta

1. Somaliland——–11 kursi————–3 kursi————————-—14 kursi

2. Puntland———-11 kursi—————3 kursi————————-—14 kursi

3. Galmudug——–8 kursi—————-3 kursi————————-—11 kursi

4. Hirshabeelle—–8 kursi—————-3 kursi————————-—11 kursi

5. K/Galbeed——-8 kursi—————-3 kursi —————————-11 kursi

6. Jubbaland——-8 kursi—————-3 kursi————————-—-11 kursi

 

Wadart————–54——–————18—————-———————-72

 

News Related