Shuushka ama suuska ( caries ) waxa uu kamid yahay xanuunada ugu badan ee soo food-saaraa qofka , xataa hadii aan laga hadlayn xanuunada ku dhaca afka iyo ilkaha oo kaliya . ilaa iyo hada waa sababta ugu weyn ee keenta in ilkuhu daataan oo burburaan . waa xaalad wakhti qaadata ( progressive ) oo sababteedu ay tahay dhawr arimood (multifoctorial ) balse ay hirgalisteedu inta badan ka dhalato habacsanaan iyo daryeel la aan uu muujiyo qofku.
Afar arimood oo is ku sidkan ayaa masuulka ah samaysanka shuushka iyadoo hadii ay midi meesha ka baxdo ay hoos u dhacaso ama yaraanaso samaysanka shuushka . bal aan mid mid u soo qaadano afarta shay ee masuulka ka ah samaysan shuushka iyo doorka uu u ka ciyaaraba
- Bacteria
- Carbohydrate ( cuntooyinka iyo cabitaanada ay ku badan tahay sonkortu)
- Time (wakhti)
- Susceptible Surface
Bacteria-da ku dhaqan afka qaarka mid ah ayaa hoos u dhiga PH-ka candhuufka afka, kuwaas oo si guud loo yidhaahdo ( acidogenic bacteria ) iyada oo caawinaad ka hela cuntada uu qofku cuno ee ka kooban carbohydrate ( sonkorta ) markaasina soo daysa acid . Acid – dhaasi waxay burburisaa qaybta ugu saraysa ee iliga oo la yidhaahdo ( enamel ) markaana u sii gudubta lakabka 2aad ee iliga oo la yidhaahdo ( dentine ) ugu danbayna qaybta jirida noolee iliga ( pulp) saasina uu ku bilaabmo ilig xunuunku . si ay Acid usoo dayso waxay u baahan tahay wakhti ( time ) iyo qaybta iliga ay ku dhagi lahayd ( susceptible surface ). Bacteriada ugu badan ee samaysa ka shuushka waxa ka mida . streptococcus mutans iyo lactobacilli
Bacteria-da sababta in ay samayso shuushku waxay leedahay awoodahan
- Inay cuntada u ka soo saran karto acid ( acidogenic)
- Inay ku noolan karto xalaadaha ay acid badan tahay ( acidoduric)
- Inay ku dhagi karto iliga ( attachment mechanism)
- Inay soo dayn karto glucan ( insoluble plague polysaccchrades)
Sida aan soo sheegnay shuushku markaaba ma samayso ee waxa soo qaataa waqti badan laakiin way adag tahay inaad ogaatid marka uu samayso shuushku ilaa aad la kulantid dhakhtar ilkoood oo aqoon u leh kolba heerka uu marayo .Midabka ilkaha ayaa si qunyar isu badala oo noqda chalky ( cadaan uu cawlaan yari ku lamaanyahay ) waxana intaa dabadeed samaysa dalool yar oo wax laga qaban karo daloolku daloolkaasi marka uu balaadhoee uu gaadho qaybaha jilicdasan iliga ( soft tissues ) waxa uu sababaa xanuun marka aad wax cuntid (mac-macaanka iyo cuntada kaleba) oo ay cuntadu gasho iliga ama aad cabtid wax qabow ama kulul .
SIDEE LOOGA HORTAGI KARAA SAMAYSANKA SHUUSHKA
-nadaafada oo lagu dadaalo
-Ka hortaga waxa ugu mihiimsan inaad marwalba ka foojignaatid inay afartaa foctor kulmaan
-cadayo cunto walba oo aad cuntid dabadeed
-yaree inaan wax cuntid wakhtiyo isu dhaw-dhaw
-ka taxadir cuntada inta badan macaanka iyo sonkorta leh
-isticmaal xanjo aan macaan lahayn . taasi waxay badisaa candhuufta afka oo hoos u dhigta samaysanka acid
-mar walba ku xidhnow xarun caafimaad oo daryeelka afka iyo ilkaha oo la soco xaalada ilkahaaga
MAXAA LAGU DAWEEYAA SHUUSH HADIIBA AAN YEESHO
Ka hortagu mar walba waa uu ka mihiimsan yahay daawaynta waana sababta aan qoraalka ka hormariyay ka hortaga
Marka uu suusku bilawga yahay waa uu jilicsan yahay oo waa laga soo nadiifin karaa daloolka markaa ka bacdi ayaa la buuxin iliga iyadaoo ay ku xidhan tahay xaalada daloolka . hadii uu ay xaaladu adag tahay waxa ay daawayntu gaadhi kartaa ilaa iliga meesha laga saaro si looga hortago xanuuno khatara
DHIBAATOOYINKA KA IMAN KARA SHUUSHKA
-in iligu burburo
-in xanuun aan kala joogsi lahayn uu dareemo
-xanuun yimaada marka qofku wax calalinayo ama wax ku qabto ilkaha
-ciridka ilaha oo haya oo burbura
-malax gaadha lafta iliga haysaa oo burburi karta
MAXAMED AXMED CABDILAAHI (Mohamed zadek )
0633478355
https://www.facebook.com/ dunidamacaan
shiine shire to you