Published:

Suldaan Abdirahman jama dhawal suldaanka guud ee dhaqanka beelaha gadabuursi maaha arin afar qof oo asal ahaan ka soo jeeda killilka shanaad mid wax yeeleysa gollaha dhaqanka gadabuursi ee degan gobolada awdal,salal & galbeedka gabiley.by jama saylici

Beelaha degaanka gobolada awdal,salal & gabiley ee gadabuursi waxay aad uga xunyihiin odayaashii daraad lahaa majirto cid ku hadli karta amaa qaadankarta ama matalikarta oo sheegankarta magaca gadabuursi weyne,odayaashaasi oo sicad cambaareeyey suldaanka guud ee beelaha gadabuursi suldaan dhawal.

Waxaan la yaabney odayaashaasi sidii xumaantu ku jirtey ee ay u hadlaayeen haddii iyaga laftooda loo fiirsado waxaa lagaranayaa mid walba maalintii uu soo galey gobolka awdal ,ma ku waasaa ka hadli kara arimaha beelaha gadabuursi .

Afartaa qof ee aflagaadaysay suldaan dhawal waxaan ku odhanayaa waan ognahay halkaad ka soo jeedaan ee ku laabta dhulkiina aad degtaan ,xaqiinana ka raadsada itoobiya ,ku raastaad ku lahaydeen kililka shanaad waxaa qaatey ogaadeen.

Dhulkan aad ka hadleysaan waxaa iska leh dadka ka naxaaya hadiyo jeer ee garanaaya xaqa ka maqan kuna doodaaya iney dhulkan leeyihiin ,una dhinta maalinta colaadujirto kuwaas ayaa iska leh dhulka .

Dhulkan waad ka shaqeysataan ee uma shaqeysaan markaasaad rabtaan inaad suldaanka sharafta leh ee magaca weyn u yeeley beelaha badhaalan ee gadabuursi inaad wax ka sheegtaan,taasina waxay inii keentey ceeb aad u weyn.

Beelaha degaan dhulkaasi iyaga ayaa difaacaya gollaha dhaqanka beelahooga ee looma baahno afar qof oo markii horeba lagu sharfay oo lagu soo daray golaha dhaqanka ee gadabuursi,markii horeba iniga oo ka soo talaabay itoobiya maa,ahayn in lay,nugudaro golaha dhaqanka gadabuursi.

Jamasaylici&hotmail.com
By jama saylici

Borama somaliland

News Related