Published:

15740900_349155608781498_6895502727107126718_nDhibaatooyinka iyo Mushkilaadka Dadkeena haysta ayay ka mid tahay in ay isku Milmaan Qaranimada iyo Qoysnimadu, Haddii Aabahaa Madaxwayne yahay oo aad uqaadato in Talada Dalkuba Gacanta Qoyskiina ku jirto Waa ayaan darro inteeda leeg.

Waa Mushkilad Qaran iyo Dhaqan si Gurac ugalay bulshada gaar ahaan Siyaasiyiinta Somalida iyo inta Hogaanku Gacantooda ku jiro, Waana  mid aynu Aragnay Dhaxalkeeda markii Taladii Dalku Gacanta ugashay Qoyska Madaxwayne Dal ka Taliya.

Waxaan uga Socdaa Dulucda Maqaalkayga Tan iyo intii Gudoomiye Muuse Biixi Cabdi Loo Doortay Masharaxnimada Madaxwayne ee Xisbiga Kulmiye Waxaa Soo Baxaya Shaqsiyaad Qoyskiisa ah oo Sharaftiisa iyo Sumcadiisa Meel kaga dhacaya intii aanu kuba Guuleysan Talada Dalka, kuwaasi oo Ugu hanjabaya Laamaha Xisbiga Kulmiye Qaarkood inay Muuse ku dacwaynayaan Haddii aan tooda loo fulin.

Sida uu Dhigayo Xeerka Xisbiga Kulmiye Qodobkiisa 4aad ee samaynta laamaha dibadda iyo Qodobka 43aad ee u oggolaanaya laamaha dibadda qaab-dhismeedyo iyo xeer hoosaadyo u gaar ah oo Madax Banaan in ay Yeeshaan Balse ku shaqaynaya Mabaadiida iyo Siyaasada Guud ee Xisbiga Kulmiye.

Dalka Jarmalka oo ah ka mid ah Dalalka ugu Balaadhan Qaarada Yurub uguna Dhaqaalaha Badan oo dadka Somalida aad ugu Badanyihiin Muddooyinka Danbe ayaa Waxaa Sannadkan 2016 Bishii February laga Furay Laantii Xisbiga Kulmiye Taasi oo Si Xawli ah loo dardar galiyay lagana Dareemay Dhaqdhaqaaqeeda Guud ahaan Qaarada Yurub iyo Wadankii hooyo.

Laanta Xisbiga Kulmiye ee Germany Waxaa Caqabad iyo Masiibo ku noqday Wiil uu Abti uyahay Muuse Biixi Cabdi oo Khilaaf Horleh ka Abuuray Gudaha Xisbiga isaga oo Sheeganaya in Abtigii isaga Mooyaane Cid kale Talo ka Waydiinaynin laanta Germany Sidaa Darteed uu haysto Awood uu Sida uu Rabo ka yeeli karo Xisbiga.

Haddiiba ay Jirto in Mujaahid Muuse Biixi Cabdi la Qabo in Qoyskiisu ku Amar ku taagleeyo Magaca Xisbiga iyo ka Musharaxa Waa Mushkilad horleh oo Somaliland waajihi Doonto Haddii uu Talada Dalka ku Guuleysto, Taasi oo abuuri karta in Talada Dalku Gacanta u Gasho Cid aanay umaddu Dooran.

Xisbinimadu Maaha wax Afka uun laga Sheegto, Waxaa jira Shaqsiyaad Maalkooda iyo Wakhtigooda galiyay sidii Xisbiga kulmiye dalkan jarmalka uga hirgali lahaa isla markaana Cudud Taageero oo dhaqaale ahaan Garab unoqota Soo Bixitaanka Xisbiga ku dadaalaya, Balse ay Dhabar jab ku tahay in Shaqsiyaad Qoyskii Musharaxa ahi dabada Qabtaan Xisbigii Kulmiye.

Hogaan kasta oo la Doortaa Waxa uu Khaati ka Taaganyahay Wiilka Muuse Abtiga uyahay oo Sheeganaya in Shaabada Abtigii kaligii gacanta ku hayo, waxa uu ugudbiyaana halkaasi ka Soconayaan, Shaqsiga la doorto ee aan isaga Raali galina aanu Gudoomiye ka noqon Karin Xisbiga Kulmiye laantiisa Germany.

Waana ta keentay in laanta Kulmiye ee Germany Khilaaf ka Dhamaan waydo, isla markaana Dad badan oo ku Hanwaynaa inay Wax la qabtaan Xisbiga dibada uga Baxaan Qaarkoodana Cadhada ay ka Qaadaan ugu Biireen Xisbiyada Mucaaridka ah.

Shirkii Seddexaad ee laanta Xisbiga Kulmiye ee Germany oo Golaha Dhexe ee Xisbigu Gacan taag ku Doorteen Hogaanka Xisbiga oo loo Doortay Xubnaha kala ah, Gudoomiye Aadan Cabdi Aleeli, Gudoomiye ku Xigeenka Sharmaake Cabdi Qolonbi iyo Xoghaye Kaahin Maxamed Saylici

Shirkaasi ayaa lagaga Hadalay Mushkilada uu Xisbiga ku hayo Wiilka uu Muuse Biixi Cabdi Abtiga uyahay ee Hogaanka Xisbiga ugu Hanjabaya inuu Abtigii isaga uun Talada Xisbiga ee laanta jarmalka ku Saabsan ka Qaato, Waxaanay sheegeen in Dacwad Qoraal ah ay ugudbin doonaan Gudida Fulinta Xisbiga ee Heer Qaran, haddii Waxba laga qaban waayona ay Go,aan ka Qaadan Doonaan.

Taageerayaasha iyo Aqoonayahanka Taageera Xisbiga kulmiye ayaa Aaminsan in Musharax Muuse Biixi yahay Shaqsiga kaliya ee Talada Dalka ka saari kara Marxalada ay manta ku jirto isla markaan lagu Tuhmayo Go,aan Qaadasho, Karti iyo Hal adagaynimo lagu Hiran karo balse waa Nusqaan haddii uu Raali kanoqdo in Qoyskiisu ku dhex milmo Hogaanka Xisbiga iyo Laamaha Xisbiga Tallada haya ee Kulmiye.

Talaabooyinka Noocan ah ayaa laga dhaxlay Dawladii kali Taliska ahayd ee Alle ha unaxariistee Maxamed Siyaad Barre oo La ogaa Awooda Wiilkii uu Sodoga u ahaa Madaxwayne Siyaad ee lagu magacaabi jiray Morgan, Waxaanan Tusaalaha usoo Qaatay Maadaama oo Siyaad Barre ahaa Askari Go,aan Adag haddana Awoodiisa Qayb ka mid ah Qoyskiisu isticmaali jireen.

Arintan ayaa ubaahan in Aragti Fog ay uyeeshaan Bulsho waynta Somaliland ee Codka Bixinaysa isla markaana Go,aanka Shaqsi la Dooranayaa Gacantooda ku jiro, Waxaana laga Dhur Sugayaa Go,aanka uu Musharax Muuse Biixi ka Qaato Xakamaynta Qoyskiisa Gaar ahaana Wiilka uu Abtiga uyahay ay Xaruntii Xisbiga kulmiye ee Jarmalka Cunaha iskaga Duubay.

 

Muuse Axmed Faarax

Frankfort Germany

maandhaye@hotmail.com

 

 

 

News Related