Published:

 


  • Boqor ka mid ahaa Boqoradii ka soo taliyey
    aduunka qarnigii 16-aad ee la soo dhaafay,
    inkastoo, Boqorkaasi lagu tilmaami jiray inuu
    lahaa karti, aftahannimo, hal-adayg iyo wax-
    qabad toosan oo lagu ma’jeerto, haddana,
    dadka indheer-garadka ah ee ka soo hor-
    jeeda siyaasaddiisa, waxa ay qabeen arragti
    taa ka duwanayd, waxaanay ku dhaliili jireen
    maamulkiisa inay ka jirto cadaalad darro,
    eex, hufnaan la’aan iyo musuq-maasuq
    baahsani, taasoo ay sabab ugaga dhigi jireen, xisaabtan la’aanta gollihiisa
    wasiiraddiisa.
    Boqorka waxa lagu tilmaami jiray inuu dabeecad u lahaa isagoo soo jeeda inuu
    khuuriyo, waxaanay taasi sababtay inay soo baxaan goddaloolooyin dhinaca maamul
    ee xukumadiisaasi, isla-markaana, gacan yaraashiisaasi ay uguga faa’iideyteen wax-
    badan nidaamkii dowliga ahaa ee boqortooyadaas.
    Boqorku waxa uu amar ku siiyey Saddex Wasiir oo ka kid ahaa Gollahiisa inay tagaan
    dhul beereed, waxaanu u dhiibay saddex kiish oo madhan inay ka soo buuxiyaan
    khudaar.
    Mid ka mid ah wasiiraddaasi waxa uu ka soo buuxiyey kiishkiisii, midho khudaara oo
    aad u wanaagsanaa, halka, wasiirkii labaadna, uu ka fikiray, maadaama uu Boqorku
    soo jeedka ku khuuriyo, kolayba in aanu eegidoonin kiishka, ka dibna, waxa uu ka soo
    buuxiyey kiishkiisii, wax-kasta oo ay gaadhi karaysay gacantiisu, kuwaasoo iskugu jiray
    midho wanaagsan iyo midho khaayisay, wasiirkii saddexaadna, waxa uu kiishkiisii ka
    soo buuxiyey caleemo la qalajiyey iyo carradii boodhka ahayd, isagoo ka fikiraayey inuu
    Boqorku u eegi doono kiishkasta cufnaanta uu leeyahay.
    Ka dib markii ay ku soo laabteen Boqorkii, iyagoo sita kiishashkii ay ku jireen khudaartu,
    Boqorku, isagoo aan eegin wixii ay sideen, ayuu amar ku bixiyey in loo taxaabo jeelka,
    laguna xidho meelo kala duwan, muddo saddex billood ah, isla-markaan, aan loo
    ogolaanin in la siiyo wax cunto ah, balse, loo ogolaado kiishashka ay sitaan oo kaliya,
    ayuu yidhi Boqorku, isagoo ixtiraamayey saddexdii wasiir.
  • Wasiirkii ugu horeeyey ee soo gurtay midhaha wanaagsan, waxa uu cunaayey
    saddexdii billood ee uu xabsiga ku jiray, wasiirkii labaadna waxa uu kaga baxay
    macaluushii wakhtigii yaraa ee uu cunayey midhihii wanaagsanaa, markii ay ka
    dhamaadeen midhihii wanaagsanaa, waxa uu cunnay midhihii khaayiska ahaa, kaasoo
    markii danbe, ka qaaday xunnuun halis galiyey nolloshiisa intii ka hadhsanayd.

    Halka kii saddex

    markii uu waayey wax uu cunno, ayey soo gaabatay cimrigiisii
    nolloleed ee ifka.
    Arrintan waxa ay dadka u iftiimisay inuu Boqorku uu ahaa nin soo jeeda oo is
    gamaarinaya, waxaanay la yaab ku noqotay kuwii dhaliili jiray nidaamkiisa.
    Qoraa/ Maxamed Faarax Qo

 

News Related