-
Guurka isaga iyo xaaskiisa hadda ee michelle ayaa dhacay, sannadkii 1992kii iyaga oo iskuyeeshay laba da hablood ee Natasha iyo Malia.Golaha odayaasha (Senate) ee maraykanka ayuu ka mid noqday 2004tii, waxa uu na noqdayqofkii saddexaad ee Afrikaan-Ameerikaan ah ee loo doorto golahan ka dib, dib u dhiskii(Reconstruction) , waxaa na loo dhaariyay xafiiska 3 jeenawari 2005tii.4tii noofambar 2008dii, Obama waxa uu ka guulaystay musharaxii xisbiga jamhuuriga ee JohnMcCain, isaga oo nasiib u yeeshay in uu noqdo madaxweynihii 44aad ee dalka maraykanka iyomadaxweynihii ugu horreeyay ee Afrikaan-Ameerikaan ah ee dalkaasi yeesho.Mar kale sannadkii 2012kii, waxa uu waajahay musharaxii isla xisbiga jamhuuriga ee MittRomney tartan iyo isbaacsi siyaasadeed ugu dambayn, waxa uu 6dii noofambar 2012kii loocumaamaday madaxweynaha maraykanka markii labaad.Ka dib laba door oo si xalaala uu ugu guulaystay madaxtinimada dalka maraykanka, uu na kuhoggaamiyay hiigsi iyo horumar ay ugu horreyso diblomaasiyad u adeegta danta dalka,xidhiidhka iyo iskaashiga dalalka, waxa uu 20ka bishan jeenawari ku wareejin doonaa xilkamadaxweynaha la doortay ee Donald Trump.Guulihii uu gaadhay ObamaWaxqabad mug leh oo lagu diirsaday ayuu sameeyay muddadii uu xilka hayay waxaanan kataaban kar naa: Barnaamijka daryeelka Obama (Obama Care), oo daryeel caafimaad oo bilaash ah lagusiiyo malaayiin muwaadiniin maraykan ah, waxa aanay muujinaysaa in dadka liita ee aanawoodin inay iska bixiyaan kharashka daryeelka caafimaad, ay xaq u leeyihiin inayhelaan daryeelkan si la mid ah kuwa awooda ee lacagta haysta. Heshiiska cimilada ee baariis (Paris Climate Agreement). Heshiiska nukliyeerka ee Iiraan ( Iran Nuclear Deal), heshiiskan oo ahaa mid in badanjiitamay, labada dhinac na aanay isku aragti ka ahayn, balse ugu dambayn laga gaadhay isafgarad iyo heshiis aad loo soo dhaweeyay. Dib u soo celinta, caadi ka dhigista xidhiidhka dalka Kuuba ( Normalization of Realtionswith Cuba). Xidhiidhka diblomaasiyadeed ee dalka maraykanka iyo kuuba muu jirin tan
-
iyo 1961 ilaa ugu dambayn ay heshiis ka wada gaadheen labada madaxweyne ee Obamaiyo Raul Castra ha kuuba. Dib u habaynta nidaamka caddaaladda (Criminal Justice Reform). Ka saarida ciidanka maraykanka dalka ciraaq (Withdrew Troops from Iraq), waxaa nafulinta arrintan iyo ku dhiirashadeedu ba ay qaadatay muddo badan.Dhaliilaha loo jeediyoDhaliilaha loo jeediyo Barack Obama ayaa waxa ugu waaweyn: Dagaalka siiriya oo daba dheeraaday, dagaalkan oo uu awood u yeelan waayay in uu sooafjaro (Syria Civil War Ongoing). Hoos u dhac laga dareemayo awooda xisbiga dimuqraadiga, oo aan taagnayn halkii uumaalmo marayay ( Decline Of Decomratic Party Power). In uu ku guul darraystay xidhista xabsiga dhibta iyo dhalandhoolka badan eeGuwaantanaama beey ( Failure To Close Guantanamo Bay).Qoomamooyinka ObamaMuddadii uu xilka hayay Obama, waxa jirtay waxyaalo badan oo uu doonayay in uu wax kaqabto, balse uu awood u yeelan waayay kana qoomameeyo waxaa na ka mid ah: Ku guul darraysiga iyo xakamayn la’aanta hubka ( Gun Control Reform). Arrintaniwaxay laf-dhuun gashay ku noqotay taariikhda iyo waxqabadka madaxweyne Obama. Xasilooni darrada ka jirta dalka liibya, ka dib dhicitaankii madaxweyne Qadaafi. Kala qaybsanaanta labada xisbig ee dimuqraadiga iyo jamhuuriga ( Democratic/Republican Divide& Bitterness) , kala qaybsanaanta iyo qoqobka xumaaday ee udhaxeeya labada xisbi ee dimuqraadiga iyo jamhuuriga, ayaa dhabar-jab ku noqdayhawlo badan oo horumar ah iyo tallabooyin uu qaadi lahaa madaxweyne Obama.Khudbadii madaxweyne Obama ee u dambaysay ( noolaynta niyada dadka reermaraykan)Doorashada Donald Trump ayaa niyad jab ku riday dadweyne badan oo ku nool dacalada dunidaiyo kuwa ku nool gudaha maraykan ka ba. Maxaweyne Obama khudbadiisan u dambaysay
-
waxay mar kale dib u soo noolaysay oo ay yididiilo gelisay dadka iyada oo dib u midaysaymaanka iyo maskaxda dadweyne badan oo reer maraykan ah.Khudbadani waxa ay dib u abuurtay isku duubni iyo is-dugsi bulsho kala didday oo la kalafirdhiyay, lana dhex dhigay waxyaalo badan oo aan midayn wakhtigii uu ololaha doorashadusocday.Khudbadan oo dheerayd dhinacyo badan na taabanaysay waxa aan ka soo qaadanaynaaqodobada ugu muhiisan : Waxa aan idinka bartay maalin walba, inaad iga dhigtaan madaxweyne wanaagsan iyoqof wanaagsan. Waxa aan yiqiinsaday in isbaddelku uu keliya dhaco, marka dadka caadiga ahi ay ku lugyeeshaan ee ay ku mashquulaan, isku na yimaadaan si ay u dalbadaan. Dhallinyarteena iyo kartideena, kala duwanaanshaheena iyo maskax furnaanteena,daacadnimadeena, awoodeena aan xadka lahayn ee khatarta iyo dib u soo saaridu waxayu dhigan tahay in mustaqbalku keenna yahay. Dimuqraadiyadeenu ma socon doonto, haddii aynaan tixgalin in qof kastaa helo fursaddhaqaale. Si aynnu hore ugu socono, waa in aan kor u qaadno sharciyada xakamaynta faquuqa eedhinacyada shaqaalaysiinta , waxbarashada iyo nidaamka caddaaladda. Haddii aynaan qaadan go’aan geesinimo, carruurteen a uma heli doonaan fursad ay kagadoodaan isbaddelka cimilada, keliya na waxay ku mashquuli, sidii ay ula tacaalilahaayeen saamayntiisa. Maraykanku waa dal leh qiima weyn, waana sababta aan u diidan nahay faquuqa dadka
Muslin-Ameerikaanka ah, kuwaas oo ah waddaniyiin aannu jecelnahay.
Tartamayaasheena jayna ( China) iyo ruushku ( Russia) uma saamayn karaan dunidasideena oo kale, innaga oo khiyaana dastuurkeena mooyiye oo noqona dal weyn oobaacsanaya dalal yar-yar oo dunida ah. Dimuqraadiyadeenu idinka ayay idiin baahan tahay , keliya maaha doorashada laakiinwakhti walba oo nolosha ah. Michelle, 25kii sanno ee tegay keliya maad ahayn xaaskayga iyo hooyada carruurtaydasidoo kale, waxa aad ahayd saaxiibkayga ugu qaalisan. Dhammaantiin, qof kasta oo idinka mid ah, qof wal oo maraykan ah kaas oo nool ooneefsanaya , dedaalka isbeddelku waa waxa ka dhigay maraykanka mid wey