Published:

abwaano

Abaaraha sii baahaya iyo doorashooyinka isku soo beegmay ayay abwaannadu ka hadleen.

“Ilaahay ka sokow, annagaa leh ummadda dhegaheeda. Halka aannu u dirno ayay tegi, diri se mayno!’ Xasan Ganey ayaa ridey gantaalkaas abbaarta cuddoon leh.

Aadan Tarabbi ayaa hoosta ka xarriiqay oo isna yidhi “haddii miyigu caydhoobo oo lagu rogmado, magaalada mooya-saxa lagu cabbi maayo oo waa lagu rogman!”

Maxamed Aadan Dacar oo qolyahaas lala hadlayo u duurxulaya ayaa isna yidhi “abaaruhu inkaarihiinnay ka dhasheen. Somaliland waa wadaago. Doorashadu waa digasho ee horta roobku ha da’o!”

Muuse Cali Faruur: “abwaanku waa shamac baxaya oo dadku kulaalayo, isna gubanaya. Ma aha maalin kursi lagu loollamo. Is bara ayaa dhacday. Waa abaar xun. Naanays ayaa ka hadhi. Waa la doogiye yaan la dacaroin!”

Inanka iyo inanta is caashaqa ayaa ka xishooda in ay abaarta is guursadaan. Alle ka baqa oo dalka iyo dadka ha loo tu

News Related