Published:

Dawladnimada adduunku maanta inta badan waa saddex nooc. Dal walba habka uu dhaqan ahaan isku xukumi karo ayuu iimaansaday. Waayo dalka kasta baahidiisu waa u gaar, rabistiisa iyo himilada uu doonayo in la gaadho jidka uu u marayo isaga ayaa yaqaan.

 maxamed-xaajiSaddexda nooc ee dawladnimada adduunku maanta u shaqaysaa waxa ay kala yihiin:-

Nidaam madaxtooyo (presidential system), waa in awoodda talada dastuuriga ah ee lagu heshiiyey xooggeeda la dhigo madaxtooyada. Tusaale ahaan, dalka Maraykan waa nidaamka uu ku naajaxay. Sidoo kale Somaliland siyaasaddaha ay ku degan tahay iyada ayaa kaw ka ah, in taladu hal meel oo loo gu hagaaggo taal.

Nidaam baarlamaan (parliamentary system), waa in talada dalku baahsanaato, oo meelo badan ku kala laalnaato. Waa nidaam qudhiisu laba madax oo kala duwan leh. Tusaale ahaan, madax hore waxa uu taariikh u yahay Yurub oo nidaamkii boqortooyo ku beddelatay. Madaxa labaad waa kan Itoobiya, oo ah mid ciidanka iyo Raysal Wasaaruhu awoodda qaybsadaan. Dadka iyo barlamaankana la cabudhiyo oo kaadidooda kalax loo gu shubo.

Nidaamka madaxtooyada isku jirka ah (semi-presidential system), waa nidaam laba af leh ah oo ku dhaqankiisu aannu badneyn. Waxa nidaamkan ku caan ah dalka Faransiiska, Soomaaliya qudheedu waa nidaamka ay hadda ku shaqayso.

Saddexda nidaam mid waliba khasaare iyo faa’ido ayuu leeyahay:-

Khasaaraha nidaamka madaxtooyadu waa in awooddu hal meel fadhido oo “executive orders” ay aad u badan yihiin. Halka faa’idadu tahay in dalalka faqriga ah ee colaaddaha ka soo doogsaday ay kaliya ku hor mari karaan talo uruursan. Nidaamkan na yahay mid si toos ah dhibka uga saari kara.

Khasaaraha nidaamka baarlamaaniga ahi waa in goor walba la is haysto oo sannadkii toban jeer dawladdu is bedesho, oo iska daba wareeg laga bixi waayo. Tusaalaha wanaagsan ee nidaamkan loo soo qaadan karaa waa; dalka Talyaaniga, Giriigga iyo Isbayn. Faa’idada nidaamkani ma aha mid aad u badan, marka Inta badan la xusayo dalka Boqortooyadaa guunka ah ee Biritan kaliya ayaa si fiican ugu naajaxday.

Khasaaraha midaamka madaxtooyada isku jirka ahi waa in tusaalaheedu Soomaaliya ay kaw ka tahay. Halka dalka Faransiisku yahay dalka kacdoonada Yurub ay ugu badnaayeen. Faa’idadu waa in uu shaqayn karo haddii umaddu tahay mid xaddaarad fog leh kaliya. Haddii se aaney xaddaaradaasi jirin oo umaddu ilbaxnimo badan lahayn, waa nidaam dib u socod keeni kara.

Somaliland waa dal madaxtooyo, iskama aysan qaadan nidaamkan madaxtooyada e, waa dal soo arkay nidaamka barlamaaniga ah oo dal dhaqaale yar oo qabiili ah ku liddi ah. Maanta Khaatumo waxa ay rabtaa in dastuurka loo furo oo la beddelo habka dawladnimo ee aynnu mudada ku soo dhisneyn, colaaddii kaga soo baxney ee dimuqraadiyadda inna soo gaadhsiiisay.

 

Nidaamka noocan ah waxa u coddeeyey umadda Jamhuuriyadda Somaliland. Waa nidaam wanaagsan oo aan ceeb iyo xaga-jiid midna lahayn. Waan ogolahay in Khaatumo saamigeeda iyo cadka dawladnimo ee ay leedahay miiska loo saaro, waliba loo sad buriyo.

 

Laakiin suura gal ma aha in dawladnimada nooceeda wacan yahay loo burburiyo. Arrintaasi mid la ogolaan karo ma aha, ma na shaqayn karo.

Dadkan walaallaha ah in ay is aaminaan oo maamul

daadajin weyn la sameeyo waa mihim. Yaan se Cali marnaba wax aan shaqayneyn loo il-duufin. Nabad-gelyada dalka ayaa kaw ah, horumarka iyo korniinka dawladnimada ayaa ku xiga, nidaamka dawladnimo ee ugu wanaagsan ee keeni karaana waa kan madaxtooyo ee aynnu hadda isticmaaleyno.

 

Cali Khaliif taladiisu waa ta Khaatumo oo itaalkeeda la ogyahay tidhi saddex Madaxweyne ha loo sameeyo, oo midba lix bilood ha hayo. Talo Cali halkaas ayey ka joogtaa, ee yaan warkiisa lagu hodmin. Somaliland wanaaggeeda ayaa kaw ah, wixii soo raaca ayaa laga wadahadlayaa. Wa bilaahi tawfiiq.

 

Mohamed Hagi

 

News Related