Waxaan dhegaysannay Xirsi, Hoggaamiyaha Waddani, oo Gabiley soo galay oo nin aad u cadhaysan uu hadallo qalafsan kula hadlayo Xirsi. Ninkan cadhaysani waa hoggaamiyaha waddani ee gobolka Gabiley mr. Iid Xasan Dhere, kana mid ah xildhibaanada deegaanka Gabiley. Wuxuu ninkani ku haystaa Xirsi, adigoon ii soo sheegin maxaad u timid Gabiley; Illeen waxaan ahay hoggaamiyihii xisbiga waddani iyo wakiilkeedii ee Gabiley. Macnaha fahanoo si laguu soo dhaweeyo, oo loo soo abaabulo dad aad u qudbadayso oo hadhaw wararka laga sheego, tiifiigana laga soo daayo. Xirsi wuxuu ku jawaabayaa inuu socdaalkiisu yahay mid shakhsiyeed (private).
Hoggaamiyaha waddani ee Gabiley wuxuu ku odhanyaa Xirsi oo ah hoggaamiyaha guud ee Waddani hadallo qallafsan oo ka baxsan anshaxa iyo edebta dadka caadiga ah. Wuxuu xataa isku dayayaa inuu gacan u qaado, hase yeeshee waa la kala dhex gelayaa. Wuxuu ugu hanjabayaa inuuna Gabiley Xirsi cago soo dhigi karin, haddaan marka hore isaga(Iid Xasan) lala tashan. Arrin fool xun ayaa meeshan ka dhacday, arrintani waxay sawir innaga siinaysaa madaxda Xisbiga iyo sida ay u wada dhaqmaan ama iskula hadlaan. Runtii waa wax laga argagaxo in dadkaasi ay rabaan inay dalkan xukunkiisa qabtaan. Dadka iyagu sidaa u wada dhaqmayaa, shicibkana siday uula dhaqmi doonaan? Gabiley eedda ma leh ee waa hab dhaqanka madaxda xisbiga waddani.
Wa Billahi Tawfiq,
A. Amir Bidde Nuur