Published:

*“Ceelkan Faramaa Waxaanu Xukuumad ahaan aamin-sanahay inuu wax

Caynaba ( GNO ) Wasiirka Madaxtooyadda Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa dhagax
dhigay ceel biyood Xukuumadda Somaliland ay ka hirgalinayso Duleedka
magaalada Caynaba ee GObolka Saraar.

Wasiir ayaa ayaa sidoo kalena sharaxaad ka bixyey tiro ceel kale oo ay
Xukuumadda Madaxweyen Siilaanyo dhawaan ka bilaabo doonto deegaano kala
duwan oo dalka ah.

Mudane Xaashi oo ay wehelinayeen Wasiir oa tirsan Xukuumadda oo uu ka mid
yahay Wasiirka Caafimaadka Dr. Saleebaan Ciise Axmed (Xaglatoosiye) iyo Dib
u dajinta Cali Saciid Raygal, ayaa ka hadlay munaasibad kooban oo loo
qabtay dhagax dhiga ceelkaasi, oo shalay ka dhacday meel caynaba u jirta
sideed kiiloomitir.

Waxaanu yidhi  “ Waxanu maanta halkan ka dhagax dhignay idamka ILAHAY ceel
la qodayo oo dhakhso loo bilaabi doono, ceelkaas oo aanu Xukuumad ahaan
aamin-sanahay inuu wax badan ka tari doono xaalada adag ee biyo la’aanta
iyo abaarta haysata guud ahaan gobolka Saraar. Gobolkani waa gobol xoolaha
caan ku ah, abaartuna si xun u hayso, dhibaatooyinka ugu badan na waxa ka
mida biyo la’aan haysta, meelaha biyaha lihi waa qadhaadh, marka horeba
gobolku biyo qadhaadh ayuu u badnaa, biyihii qadhaadhaana waa gudheen, way
is badaleen, caafimaad ahaan bulshada khatar ayey ku hayaan, ceelkii
qori-dheer oo jabnaa oo mudo dhawr sano ah aan shaqayn dhawaanbaa
Xukuumaddu kicisay iyo guddida taakulada abaaruhu, maanta kan waxa qaranku
ugu talo galay in baahida biyaha ee xaalada abaarta uu wax ka taro, dhul
badan oo kale ayaa wax laga fuliyey, oo wakhti gaaban laga gaadhay, waxa ka
mida Ceelka Coodanle, waxa ka mida Ceelxume magaalada Ceelsame imika loo
bixiyey, waxa ka mida meel koonfurta Laascaanood ah oo dhawaan laga bilaabi
doono ceel.”

Wasiirka ayaa sidoo kalena intaasi ku daray “  Ceelka layskama dhagax dhigo
daraasad ayaa la sameeyaa ay Wasaarada biyuhu samaysay, waa daraasad
dhamays tiran, waxa lagu tuhun san yahay biyo macaan, halkan aynu joogno ee
Faramaa khubaradu way yimaadeen, godkaana iyagaa qoday, waa meel biyo lagu
hubo, daraasadaasuna ay dhamaatay, Xukuumadduna iskamay balan qaadeen
hadii aanay ogayn daraasadaa. Waxa kamida meelaha isha lagu hayo, ee
Xukuumaddu xooga saarayso Koonfurta Laascaanood, gaar ahaan magaalada
dharkayn-geeye, Widhwidh ayaa ka mida, Baligubadle ayaa ka mida meelaha
degdeg wax looga bilaabi doono, waa qorshe dawladdu wado oo wada socda,
aadbaanu ugu mahad naqaynaa khuburadii sahamisay. “

Mudane Xaashi ayaa ugu dambatii ka hadlay hadii ceelkaasi uu biyo badan
yeesho in uu suuro galin karo in biyaha looga qaado magaalada Caynaba
waxaanu yidhi “ Waxa kale oo barnaamijka wajiga labaad ee qorshaha qaranka
ka mida in hadii ceelkan biyo badan laga helo in ceelal kale mustaqbalka
laga qado, oo Caynabo biyaha looga jiido mustaqbalka, oo sideed kiiloomitir
ah,  maanta ujeedada loo dhagax dhigayaa ma aha mashruucaas Caynaba, maanta
waxa la fulinayaa Ceel xooluhu ka cabo, biyo macaan oo booyadahana laga
dhaamino.”

News Related