Published:

Wararka naga soo gaadhaya magaalada Berbera ee xarunta gobolka Saaxil ayaa sheegaya in ciidamada booliska gobolka Saaxil ay qabqabteen rag ka tirsan culimada Timo-waynta ee magaalada Berbera kuwaas oo la sheegay in looga shakiyey inay wadaan xaalad amni daro .

Waxaana culimadan la sheegay inay ciidamadu qabqabteen ay ahaayeen kuwo hubaysan isla markaana looga shakiyey inay wadaan hawlo amni darro,kadib markii ay dhawaan guddi ka socotay wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Somaliland iyo maamulka gobolka Saaxil ay xukun kasoo saareen masaajidka Sheekh Isxaaq oo ku yaala magaalada Berbera isla markaana khilaaf ka taagnaa.

Waxaana ay gudidani masaajidkan gacan ku hayntiisa u xukumeen Ilma Xaaji Yuusuf Imaan oo iyagu sheegtay inay lahaayeen dhismaha masaajidka iyo dhulka uu ka binaysan yahayba,waxaa xukunkaasi ka biyo diidey culimada Timo-waynta oo masaajidkan ku jirey muddo badan,iyaga oo ay Culimadan Timo-wayntu ay dib u furteen masaajidkii la xukumay balse ciidamada gobolka Saaxil ayaa markii danbe ku guuleystay inay masaajidkaasi la wareegaan kuwaasi oo kasoo saaray culimadii ku dhex sugnayd oo diiday inay kasoo baxaan.

Gabagabadiina xaalada masaajidkan Sheekh Isxaaq ee ku yaala magaalada Berbera ee muranka xoogani ka taagan yahay ayaa ah wakhti xaadirkan mid kacsan,balse waxa gacan ku haynta masaajidkan la wareegay xukuumadda iyo ciidamada kala duwan ee gobolka Saaxil,ilaa haddana lama garan karo halka uu sal dhigan doono khilaafkaasi.

News Related