Published:

gggggHambrug (GNN)- Munaasabad Balaadhan oo Si Heer sare ah loo Soo Agaasimay ayaa Xalay lagu Daahfuray Xarun Cusub oo Xisbiga Talada Dalka Haya Ee Kulmiye kuyeelan doono Woqooyiga Dalka Jarmalka
Munaasabadaasi oo lagu Qabtay Magaalada Hambrug ayaa waxaa Ka soo Qayb galay Masuuliyiinta Xisbiga Kulmiye ee Woqooyiga Jarmalka,Aqoonyahan, Waxgarad iyo Xubno ka mid ah Jaalliyada Somaliland ee Dhaqan Gobollada Woqooyi ee Dalka Jarmalka.
Xafladan oo ahay Mid Kulmisay Dhalinyaro iyo Waayeel Taageersan Xisbiga ayaa waxay Masuuliyiintii Halkaasi Ka hadlay ku soo Bandhigeen Sidii Taageerayaasha Xisbigu uga qayb qaadan lahaayeen dardar galinta Hawlaha Xisbiga Maadaama oo Doorashooyinkii soo Dhawyihiin, Waxaanay si Qoto Dheer uga Warameen Waxqabadka Balaadhan ee Kulmiye ka Fuliyay Somaliland intii uu Talada Dalka Gacanta ku hayay, Sidoo kale Waxaa Halkaasi lagu Soo Dhaweeyay Xubo ka mid ahaa Masuuliyiintii Xisbiga Wadani ee Jarmalka oo ku soo Biiray Xisbul Xaakimka kulmiye.
Halkan ka Daawo hadalada Masuuliyiinta Xisbigu ka Jeediyeen madashaasi.


Xarunta ayaa Noqonaysa Xaruntii ugu horeysay ee Xisbiga Kulmiye ku Yeesho Woqooyiga Dalka jarmalka taasi oo Hoos iman doonta Laanta Guud ee Xisbiga Kulmiye Ku leeyahay Dalka Jarmalka.
Dhinaca kale Waxaa isagu Hamalyo udiray xubnaha Cusub ee Loo doortay woqooyiga Jarmalka Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Laanta Wadanka Germany Mudane Aadan Cabdi Aleeli oo Safar ku Jooga Dalka Jabuuti Waxaanu sheegay in dhawaana la furi doono Xaruntii Xisbiga Gobolka Bayern Munchen, Xisbiguna Gobolada Waawayn ee Jamalka ku yeelan Doono Xarumo Si Toos ah uwada Shaqeeya oo iska kaashada Horumarka Xisbiga iyo Wadajirka Jaalliyadaha Somaliland.

News Related