-
Hadalada ku saabsan abaaraha iyo kuwa ku saabsan doorashadaayaa maalmahan si isku mid ah dhegaha dadka u haysta. Gudigiidoorashadu waxa ay leeyihiin dadkii kaadhadhka cod-bixinta la siinlahaa qabo badan oo ka mid ahi waa baro kaceen, deegaamadii lagadiiwaan geliyay ee kaadhadhka lagu siin lahaa na ma joogaan. Tanima aha hadal siyaasadeed uu xisbi gooni ahi soo saaray ee waaxaqiiqo ay faa”yeen Gudiga Doorashadu. Kolkii warkaas la maqlay,waxa loo kala baxay Kulmiye oo leh gar iyo gardarro ba doorashadiiha la qabto, iyo Waddani oo leh, maya ee sidaas ha laga daayo.Waddani waxa uu leeyahay, sax na ah, abaartu ha jabto, dadkii nadeegamadoodii ha ku soo laabteen, laakiin Kulmiye sidaas majeclaysan. Waxa muuqata in Kulmiye uu kursigu u muuqdo, laakiinaanay dadka kala yaacay ee deegaamada Bariga iyo dhibaatadooduu muuqanin. Si kasta oo Kulmiye uu hadalka u qurxiyo, eedda ah inaanay dadka tabaaloobay danaynaynin sinaba ma uga baxankaraan. Doorashadu waa sharci ee yaanay muddo dhaa”n ayaa ayku doodeen, laakiin isla iyaka uun baa hore iyo dib ba sharciga ujabiyay, iyada oo aanay duruu” jirin na doorashadii mudaysnaydJune 2015 dib u dhigay. Iyaka ayaa wixii ay Riyaale ku ceebaynjireen ku kacay, lacag badan na ku bixiyay in sharciga la jabiyo.Kolkii dib u dhigistii ay khasab iyo sharci-darro ku socodsiiyeen, eeloo balamay in March 2017 la wada qabto doorashadiibaarlamaanka iyo madaxtooyada, isla iyaka uun baa hadanaburiyay. Waxa ay u arkeen in aanay sidaas dani ugu jirin Kulmiye,iyaka ayaana xoog iyo xoolo ku bixiyay in labada la kala qaado.Labada jeer ba ma ahayn rabitaanka Waddani, wax duruuf ah ookalifay na ma jirin. Maanta oo ay sabab sharciga ku qorani jirto,dadkii na duruufaysanyahay, miyaa Kulmiye laga yeelayaa ciddiiqaxday yeelkadeed ee doorashadii waa sharci ee yaanay dib udhicin? Jawaabtu waa maya. Hadii uu Kornayl Muuse xisbigiisa soojiidhsiiyay musharaxnimo jujuub ku timid, ma waxa uu moodayaa inuu wadanka oo dhan jujuubi karo? Mar labad, aniga oo hubajawaabtu waa maya! Sacabka gacan keliya laguma tumi karo. Sawsidaas ma aha? Doorashadu laba dhinac oo ku tartama ayaa ay ubaahantahay. Kulmiye keligii doorasho ha qabsado Hadii uu rabo.Maalin horaysay waxa aan si kaftan ah u sheegay in ay isku micnouun yihiin ereyada – geesi/deeqsi, fulay/bakhayl, iyo abaarta iyoKulmiye. Hadda iyada oo aan kaftan ahayn, waxa muuqata in uuKulmiye maanta ku dagaalamaayo in abaarta ay dani ugu jirto, intawakhtiga adagi jjiro na uu macaashi karo.Hanka xumi ha beenoobo!