Published:

Saddexda xisbi qaran ayaan weli heshiis ka gaadhin mudada ay tahay in loo kordhiyo Madaxweyne Siilaanyo iyo ku xigeenkiisa, mar haddii la isla qaatay inaanay doorashadu qabsoomi karin March 2017, abaaraha adag ee dalka ka jirta dartood.

1

Labada xisbi mucaarad ayaa si midaysan u soo jeediyay in la sameeyo muddo kordhin lix bilood ah, si ay doorashadu u qabsoonto bilaha sannadka ugu dambeeya. Hase yeeshe xisbiga KULMIYE ayaan weli la qaadan labada xisbi mucaarad soo jeedintan, waxaana muuqata inay adagtahay inay si fudud saddexda xisbi ugu heshiiyaan muddo cayiman.

Kulankii uu Madaxweyne Siilaanyo la yeeshay saddexda xisbi iyo guddiga doorashada, ayaa waxa ka soo baxay oo keliya in doorashadu aanay wakhtigeeda ku qabsoomi karin, laakiin wax natiijo ah lagama gaadhin mudada la kordhinayo oo ah mawduuca xaasaasiga ah ee ugu muhiimsan.

Madaxweyne Siilaanyo oo aan wakhtigan sharaxnayn, ayay ahayd inuu ka odayeeyo oo uu isu soo dhaweeyo xisbiyada islamarkaana ku qanciyo inay taariikh midaysan isla qaataan si golaha guurtida markaas loogu gudbiyo soo jeedintan oo loo arko dan qaran. Laakiin Madaxweyne Siilaanyo ayaa la dareemayaa inuu ka gaabinayo arrintan islamarkaana aanu qaadan doorkii hoggaamiyenimo ee looga baahnaa si uu isugu soo dhaweeyo aragtida mudacyada ah ee xisbiyada iyo murashixiinta oo aad u kala fog.

Iyadoo ay saddexda xisbi sidaas u kala aragti duwanyihiin islamarkaana uu Madaxweyne Siilaanyo weli daawanayo, ayaa waxa shalay dalka ku soo laabtay siyaasiga awooda badan ee Saleban Maxamuud Aadan (Saleban-gaal) oo ah guddoomiyaha golaha guurtida, oo laga cabsi qabo in haddii aanay xisbiyadu heshiis midaysan gaadhin inay sameeyaan muddo kordhin ka badan sannad, taas oo aan dalka iyo dadkaba u wanaagsanayn.

Guddoomiye Saleban oo si sanqadh la’aan ah dalka ugu soo laabtay, ayaa la filayaa inuu Arbacada beri kulamo la bilaabo xisbiyadan.

 

News Related