Published:

Mahad-naqa

Waxaan umahad-naqayaa guddiyadi wadda haddalka ee garabka aqlabiyad Xisbiga UCID iyo xisbiga WADDANI oo inuu suurtageliyey inuu heshiis dhaco madashana aynu iskugu nimaadno, dhammaan xubnahaasi waan umahad-naqayaa, waxa kale oo aan u mahad-naqayaa guddidii qaban-qaabada ee xafladan sida wanagsan loo soo bilay inuu suurtageliyey, waxa kale oo aan soo dhaweynayaa anniga oo ku haddlay magaca Xisbiga WADDANI,dhammaan bahweynte garabka aqlabiyada Xisbiga UCID oo halkan ay marayaan  siyaasiyiintii  dhalinyaradii iyo haweenkii oo maanta  go’aansaday in ay cududooda iyo caqligooda iyo waayo arragnimadooda iyo dhaqaalahooda ay ku soo biiriyaan xisbiga WADDANI si qaranka Somaliland loo bad-baadiyo, waxaan illaahay ka baryayaa inuu abaaraha inaga soo jebiyo oo uu madar khayr-qabana ina siiyo

Kaanbaynka Iyo Ollolaha KULMIYE.

Labadii bilood ee ugu dambeeyey waxaad qalabka kala dwuan ee  war-baahinta aad ka arkayseen in xisbiga KULMIYE iyo wasiirada xukuumada KULMIYE, ay ku jireen kaanbayn ollole, waxaad moodaysa in aanay idhahoogu arkaynin abaaraha dalka ka jira ee sii xumaanaya, waxaan soo jeedinayaa in ay idhaheenu usoo noqdaan dalka dhibaatada haysata iyo abaarta haysata oo aad modo haddii aan illaahayn inaga soo gaadhin in ay macaluul isku badelayso oo dadku dhinto, waxaanu ugu baaqaynaa shacabka reer Somaliland, xukuumadda iyo asxaabta qaranka iyo beesha caalamkaba in shacabka loo soo gurmado,  abaartu  wey sii xumanaysaa, gurmada ayey u baahanyihiin shacabku.

Arrimaha doorshada.

Xisbiga WADDANI wuxuu u arrkaa in ay waajib tahay in la dhiso oo la sameeyo garoon loo simanyahay oo kubada lagu ciyaaro, waxa waajib ah in muwaadin kasta oo  xaq u leh inuu cod bixiyo uu hello kaadhkiisa uu ku codayn lahaa, xisbiga WADDANI wuxuu diyaar u yahay doorasho u dhacda si xalaal ah oo xor ah.

Ollolaha doorashada waxaan soo jeedinaynaa  in aynu wakhtigiisa la sugno oo gurmadka ka horaysiino.

Arrimaha Salaadiinta Iyo Erayga mahad-naqa ah ee Ka Yidhi Musharax Cirro.

Waxaan aad uga mahadnaqaynaa isku daygoodii ay isku dayeen in ay isku soo dhaweeyeen asxaabta  qaranka.

Amniga Qaranka

Xisbiga WADDANI iyo taageerayaashiisa waxa ka go’an in ay ka shaqeeyaan oo ay illaaliyaan sharciga iyo amniga qaranka, waxaanu sidaas oo kale u soo jeedinaynaa ciidamada qaranka   inay ku sugaan amaanka in ay u noqdaan dhexdhexaad axsaabta iyo shacabka oo aanay ku milmin arrimaha siyaasada.

 

Radio Hargeysa

Waxaad maqasheen in dalka Rwanda la yidhaa lagu xasuuqay hal milyan oo qof, waxa sabab u ahaa  Radio ku yaala caasimadooda, Radio Hargeysa maanta  wuxuu u eegyahay Radio-gii dadka xasuuqay, waxa ka socda borobagaandhe, waxa ka socda been abuur, waxaanu madaxweynaha u soo jeedinaynaa in haddalka aan leeyahay la qaato maaha, lakiin  waa in arrintaa la baadho oo la eegaa oo la dhegeystaa oo barmaamij-yadiisa la eegaa, ma kuwo qaranka dhisayaa, mise waa kuwo qaranka duminaya ? waa kuwo qaranka duminaya, aad ha loo eego.

Waxa lagu masruufaa cashuurta iyo cashuur bixiyaha reer Somaliland, islaanta  tamaandhada iibisaa lacagta ay bixiso ayaa lagu masruufaa Radio Hargeysa iyo Tv-ga qaranka, waa inuu shacabka u edeegaa, waan aan laga siidayn borobagaadhno iyo cuqdad iyo been aan laga soo dayn.

Soo Dhawynta Heshiiska Garabka UCID Iyo Xisbiga WADDANI.

Waxaan si lixaadle u soo dhaweynayaa heshiiska dhexmara garabka aqlabiyad xisbiga UCID iyo xisbiga WADDANI oo ay kaga qayb-gelayaan hoggaanka Xisbig, fulinta, golihiisa dhexe iyo dhammaan qaab dhismeedka Xisbiga haddii ay tahay dalka gudihiisa iyo haddii ay tahay dalka debadiisa, waxaan aad ugu mahad-naqayaa raga iyo hablaha  qiimaha leh, waxaanu leenahay si qalbi furan iyo gacma furan-ba ku soo dhawaada, waxaan u mahad-naqayaa cid kasta oo ka soo qayb-gashay munaasabadan, waxaan u mahad-naqayaa saxaafada Somaliland.

 Waaxda War-faafinta Xisbiga WADDANI

 Xafiiska Hargeysa 

News Related