Published:

Jamaal Cali Xuseen oo Madaxtooyadu u Dooratay Wakiilka Koowaad ee Somaliland u Melaya Xubnaha Shirkadda Dp World La Maamulaya Dekadda Berbera

Friday January 06, 2017 –

Hargeysa(SM):-Warar hoose oo ay helayso Warbaahinta Heegannews, ayaa sheegaya in xukuumaddu ay siyaasi Jamaal Cali Xuseen u magacowday in uu noqdo mid ka mid ah labada Wakiil ee dawladda Somaliland u metelaaya xubnaha guddida sare ee shirkadda Dp World la maamulaaya dekadda caalamiga ah ee Magaalada Berbera.Jamalos
Ma jiraan ilaa hada warar amuurtan la xidhiidha oo ka soo baxay dhanka Xukuumadda iyo weli ba xagga Siyaasi Jamaal Cali Xuseen, balse sida ay noo xaqiijiyeen ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay, ayaa sheegaya in kulan gaara oo Talaadadii aynu soo dhaafnay Qasriga Madaxtooyada ku dhex-maray Siyaasi Jamaal Cali Xuseen iyo mas’uuliyiin ay ka mid ahaayeen guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE, Wasiirka Madaxtooyada, wasiirka arrimaha dibadda, safiirka Somaliland u qaabilsan Imaataadka Carabta iyo weli ba madax kale oon la magac dhabin, ay labada dhinac ba ay isla jeex jeexeen xubnaha Somaliland u metelaaya guddida sare ee shirkadda Dp World la maamulaysa Dekadda Berbera, waxaana halkaas Jamaal Cali Xuseen looggu soo bandhigay in uu noqdo Wakiilka koowaad ee Somaliland u metelaaya xubnaha maamulka Dekadda Berbera ee shirkadda Dp World.
Wararku, waxa ay intaas ku darayaan in dood dheer ka dib uu Jamaal Cali Xuseen guddoonsaday in uu buuxiyo xubinta koowaad ee Somaliland u metelaysa Maamulka Dekadda Berbera ee shirkadda Dp World.
Shirkadda Dp World, ayaa hawlaheedii shaqo dhawaan si toos ah uga bilaabaysa dekadda Berbera, waxaana ay Madaxtooyada Somaliland u gudbisay labada xubnood ee u metelaaya Xubnaha Maamulka kala qeyb-qaadanaaya shirkaddaasi, iyada oo ilo-wareedyadu aanay illaa hadda cadeynin qofka laga dhigay Wakiilka labaad ee Somaliland u metelaaya Maamulka Dekadda, balse waxa ay tibaaxayaan in uu heyb ahaan ka soo jeedo qoyska Madaxweynaha Somaliland.

 

Source Heegannews

News Related