Published:

Hargeysa(GNO)January.11,2016-Warar xog ogaal ah oo aan helayno ayaa sheegaya in xalay qasriga madaxtooyada Somaliland uu ka dhacay kulan ay fooda isku dareen madaxwaynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud “Siilaanyo” iyo murashaxa xisbiga KULMIYE mujaahid Muuse Biixi Cabdi,iyo murashaxa madaxwayne ku xigeenka xisbiga KULMIYE hadana ah madaxwayne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi  Ismaaciil “Saylici”.

Waxaana la sheegay in kulankan uu ahaa mid ay kaga wada hadlayeen isla markaana ay ku lafa gurayeen warbixintii ay gudida komishanka qaranku la wadaageen axsaabta qaranka ee  ku saabsanayd kormeero ay ku tageen deegaanada iyo gobolada Somaliland,sidoo kalena waxay kaaga wada hadleen mawqifka midaysan ee ay xisbiyada mucaaradka ah ee WADDANI iyo UCID ay ka qaateen doorasho dalka ka dhacda iyada oo dalka ay ka jirto xaalada abaareed oo adagi,isla markaana ay ku doonayaan in doorashada dib loo dhigo,taas oo ay ku sababeeyeen in dadkii is diiwaangaliyey badankoodii aanay wakhti xaadirkan ku sugnayn deegaanadii ay iska diwaangaliyeen.

Madaxwayne Siilaanyo ayaa sida ay xogahani noo iftiimiyeen Muuse Biixi u sheegay in aanu rabin isagu muddo kordhin kale oo loo sameeyo  balse uu door bidayo in doorashadu wakhtigeedii ku dhacdo,sidoo kalena waxa uu sheegay in ay muhiim tahay in gurmad deg deg ah loo fidiyo dadka ay abaarta baahsani ku saameysay deegaanada gobolada bariga Somaliland.

ma jiraan warar rasmi ah iyo natiijo kasoo baxday kulankan la sheegay inay xalay wada qaateen madaxwaynaha Somaliland mudane Axmed Maxamed Siilaanyo,madaxwayne ku xigeenka Cabdiraxmaan Saylici iyo murashax Muuse Biixi.

Gabagabadiina masuuliyiinta xisbiyada qaranka Ayaan iyagu ilaa hadda isku mawqif ahayn iyaga oo ku kala mawqif noqday qabsoomida doorashada madaxtooyada,xisbiyada UCID iyo WADDANI ayaa iyagu sheegay inaanay munaasib ahayn in doorasho dalka ka dhacdo,halka xisbiga KULMIYE uu door bidayo in doorashadu wakhtigeedii ku qabsoonto,waxaana bulshada Somaliland u dhag taagaysaa natiijada kasoo baxda qabsoomida doorashada madaxtooyada Somaliland.

News Related