Somalidu waxay ku maahmaahdaa:=Gaalka dil, gartiisana sii. Give the devil his due. Nimankaa ganasatada ah ee ka soo jeeda degaanka borama ee lacagtooda ku bixinaaya hantidii umaddan ka dhaxaysay waxaan odhan lahaa waar umadu wey ini- ogaatey inaad tihiin niman daneyneyn bilicda magaaladooda oo raba meelihii danta guud iney iibsadaan.
Hadaba hadaan nahay qorba-joogta ka soo jeeda degaanada gobolada awdal,salal & galbeedka gabiley waxaan ka soo horjeednaa oo aan ka codsaneynaa madaxweynaha qaranka somaliland mudane silaanyo & madaxweyne ku xigeenka qaranka somaliland mudane abdirahman saylici iney ka hor istaagaan nimankaas raba dhulkii dadweynaha iney suuqa madaw ku iibsadaan dhulkaasoo ah mid ay baahantahay magaalada borama.
Madaxweyne madaxa meel kasareeya oo la taabtaa majirto ee waxaan si sharafleh kaaga codsaneynaa inaad joojiso in dhulkaasi la iibsho waayo? waxaa u baahan magaalada borama waana meelihii beri haddii ay dawladu baahato looga samaynlahaa dhakhtaro & dabdamis wim.ah dadweynuhu ay u baahayihiin sidaasi darteed madaxweyne waa inaad horjoogsataa arintaasi.
Somalidu waxay ku maahmaahdaa: Kor waayeel waa wada indho. Old birds are not to be caught with chaff. Shacabka & wax garadka reer awdal wey ogyihiin Kuwa xumaatadu dhaxmartey ee wax walba ka eegaaya dhinaca qabyaalada waxaanan leenahay kuma guuleysan doontaan,dhibta aad ku haysaan shacabkiina.
Kooxda tirada yarleh madaxweyne ku xigeenka ku eedayneysa wax aan meesha oolin ee u durbaantumanaaya in hantidii dadweynaha laga iibsho rag aan u tudhayn shacabka,hadaba waxaan leeyahay ma dhul ay iibsadaanbay ka waayeen hareeraha magaalada borama,maxaa ku soo celinaaya hadhaagii yaraa ee umadan haddii beri wax la helo loogu dhisi lahaa wax yaalo muhiim u ah dadweynaha.
Walalayaal danta guud waa wax inaga wada dhaxaysa laakiin waxaad mooda kuwan ka soo talaabay itooboya ineyna daneyneyn magaalada borama laakiin waxaan ku odhanlahaa waar bal dibiskugu noqda oo ka naxa dadkiina .walalayaal waxaan ognahay gurigii badhasaabka isagoo shaqeynaaya laga iibshay dad gaar ah sobobta loo iibshayna ilaa maanta lama cadayn ,sidaas awgeed madaxweyne ku xigeenku masuuliyad baa ka saaran hantida qaranka inuu ilaasho,waayo? gobolkan awdal waa kii laga soodoortey waana xaq inuu difaaco umada waxeega hadaan nahay qorba joogtana waan ku taageersanahay mudane saylici.
Waxaan ku soo gabagabeynayaa maahmaahdii ahayd :=Hadal badan haan ma buuxsho. Fine words butter no parsnips.miisaaniyadii sanadkan waxaa lagu darey in la dhiso dabdamiskii borama,
Alle mahad leh
By maxamed jeex
Brussels belgium