Published:

Wararka Naga soo Gaadhaya Degmadda Togwajaale ayaa sheegaya Isbedelkii lagu sameeyay Xoghayaha Dawladda hoose ee Wajaale dhawaanta Masuulkii Cusbaa ee loosoo magacaabay Wada shaqeyn dhab ah la yimid taasi oo uu Carqalad gelin jiray maamulkii ka horeeyay masuulkani Sida ay iisheegeen qaar ka mid ah Dadweynaha Reer Wajaale .

Dhinaca kale Wararka Naga soo gaadhaya Halkaasi ayaa sheegaya inuu Ganacsigii Magaaladdu xawli badan ku socdo waxaana jirta inay dhismihii magaaladdu Fidayo maalinba maalinta ka danbaysa taasi oo Kordhinaysa Cashuuraha ay ka qaadaan Dawladda hoose ee Magaaladda Togwajaale inkastoo ay jiraan Khilaafyo dhul oo ka shex taagan Magaaladda taasi oo mar mar isku bedeli jirtay Gacan ka hadal marka si wacan loo maareyn waayo.

Wararka kasoo kordha Degmadda Ganacsi ee Somaliland ee Wajaale kala soco shabakadda Gabileynewsonline.com

Wariye Mohamed mussa inji

Hargeysa

Somaliland

News Related