Murshaxa xilka Madaxweynaha Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed oo ka mid ah murashixiinta ugu cadcad ee u taagan tartanka xulashada madaxweynaha Soomaaliya, ayaa sida wararka ka imanaaya Muqdishu sheegayaan in uu qiime cusub ku kordhiyey qiimaha codka xildhibaanka lagu iibsanayo.
Shariif Sheekh Axmed oo dhawaan dib ugu soo laabtey Muqdishu ayaa qiimaha lagu iibsanaayo codka Xildhibaanada ee xulan doona Madaxweynaha gaadhsiiyey lacag dhan 150.000 Dollar. Waxaney wararku sheegayaan in qiimahan cusub ee Shariif Sheekh Axmed 50.000 oo Dollar ka sareeyo qiimihii bilowga ahaa ee uu dhigey Ra’iisal Wasaare Cumar C/rashiid.
Sheekh Shariif ayaa dhawaan socdaal muddo qaatey ku soo marey wadamada Kenya iyo South Afrika, waxaana la rumeysan yahey in ganacsatada ugu tunka weyn ee ka soo jeeda beeshisa Abgaal ee degen wadamada uu lugta soo mariyey lacag badan soo siiyeen, iyada oo sidoo kalena uu taageero dhaqaale ka heley wadamada Khaliijka qaarkood.
Qiimaha gorgortanka codadka xildhibaanada ayaa wali jooga heer aan degeneyn. Marka la fiiriyo xulashadan oo ah mid aad u adag, dawlado shisheeye ah oo faro geli toos ah ku haya Siyaasada Soomaaliya iyo hunguri xumada Xildhibaanada, waxa la saadaalinayaa in qiimaha codka la iibsanayaa gaadho heer aan wali loo arag oo ah ilaa 300.000 oo Dollar, halka Xulashadii 2012 qiimaha ugu sareeya ee codka Xildhibaanka lagu iibsadey uu ahaa 20.000 oo Dollar
Lacag u dhexeysa labaatan ilaa soddon milyan oo dollar ayaa la filayaa in sanadkan xulashadha madaxweynaha Soomaaliya ku kacdo.