Published:

Wajaale(Gabiley-News-Online )Mayar Ku Xigeenka Degmada Wajaale Mursal Nuux Cismaan  Ayaa Wasiirka Wasaarda Maaliyada marwo Zamzam Cabdi Aadan Ku Amaanay Doorka Muhiimka Ah Ee Ay Kagag Jirto Qarankani Somaliland iyo Waliba taakulaynta Abaaraha Ba’an Ee Saameyeey Bari iyo Galbeedba Waxana Uu Mayar Ku xigeenka Degmadaasi mursal Nuux Cismaan Ku Tilmaamay Wasiirka Kaliya Ee ka War Haysa Dadka Abaaraysan Ee Gobolada Bari Ee Somaliand iyo Waliba dadka Soo Guurtada ah Ee Ku Soo Hayaamay Gobolka Gabiley Waxnaa Uu Wasiirkani Ku Tilmaamay Wasiirka Ugu Waxqabadka Badan

Sidoo kale waxa Uu Mayar Ku Xigeenka degmadaasi Wajaale Uu Ka Marag Kacay In ay Miisaaniyadiii Ay Hor Gaysay Golaha wakiilada SOmaliland Yahay Miisaaniyad Lagu Soo Dajiyey Hab – Khibrad Leh Halkani ka Bogo Muuqalka Miisaaniyadaasi Ee Ay Golaha Wakiilada Hor Gaysay

Geesta Kale waxa uu Mayar Ku xigeenka Degmadaasi Ku Daray intaasi In Ay Wasiir Samsam Cabdi Aadan Si Fiican ugu Qayb Qaadatay Abaaraha Ka Jira Gobolada Bari ee Somaliland Waxaanu Sheegay in Ay Socdaalo U Kuurgalka xaalada Abaareeda Ku maraysay Goboladaaasi bari Ee Somaliand

Halkani Kaga Bogo Muuqalka Socdaalkiii Zamzam Cabdi Aadan Ee Gobolada Bari

Wajaale Office

News Related