Published:

Wajaale(Gabileynewonline.comMayarka Degmada Wajaale Aadan Muuse Cilmi Aadan Shiine oo Ay Wehelinayaan Laamaha Kala Duwan Ee Amniga Ee Degmada Wajaale Ayaa Caawa Socdaal Luga Ku Gaalo Bixinayey,Suuqyada Waaweyn ee Degmadda Wajaale Sidoo Kale Waxay Socdaalkaasi Ku Soo marayeeen Sariflayaasha Waaweyn ee Degmada , Tukaamada iyo Bakhaarada Waaweyn Ee Degmada Wajaale Iyaga Oo Massuuliyiintani Fulinaya Awaamiirta Iyo Amarkii Madaxweyanah Qaranka Somaliland Ee Sixirbararka iyaga oo Tukaamada Iyo Meheradaha Ka Waraysanayey Sida Uu Caawa Yahay Saxir Bararka , Waxaanay Masuuliyiintani Abaaro 6:00 Habeenimo Ilaaa 10:00 Habeenimo Socdaal Luga Sidaan Hore Idinku Sheegnaay Ku Marayaaan Dhamaanba Goobaha ganacsiga Ee Degmada Wajaale .

Mayarka Degmada Wajaale Aadan Muuse Cilmi Aadan Shiine Oo Ay Shabakada Wararka Ee Haldoor NewsWax Ka Waydiisay Socdaalkaa Uu Caawa isaga iyo Laamaha Amaanku Ku marayaan Degmada Wajaale Wax Ka Waydiinay Ayaa waxa Uu Gudoommiyuhu Noo Sheegay ” Anaga Ka Masuuliyiin Ahaan Waxa Na Saaran Xil Wayn Oo Waa Shaqooyinkayaga Caadiga Ah In Aanu Hadba La Soco Ganacsiga , iyo Dhamaanba Hawlaha Degmada Wajaale Ee Aanu masuulka Ka Nahaay Kormeerkani Aanu Caawa Ku Jirnana Waxa Aanu Fulinaynay Awaamiirtii Uu Madaxweynaha Qaranka Somaliland Ahmed Maxamuud Maxamed Siilanyo Ee uu Sixirbararka Somaliland Uu Kagag Hadlayey Waana nagu Waajib In Aanu Ogaano Hadba Sida Uu Ay ugu Shaqaynayaaan Ganacstadu Dadka Danyarta Ah.Waxana Uu Hadalkaasi Ku Sii Daray In Ay Kormeerkiisani Ku Wehelinayeeen  Gudoomiye ku Xigeenka Degmada Wajaale Mursal Nuux Cismaan Xoghayaha Fulinta Dawlada Hoose, Taliyaha Saldhiga , Taliye ku Xigeenka Imigrayshanka ,


Gabiley Office

News Related