Published:

Ciidanka Booliska ayaa Habeen iyo maalin  heegan  ugu jira sidii ay gacanta ugu dhigilahaayeen Dadka  Khamriga dalka soo galiye

dumarHargeysa(GNO) Muqaal laga soo duubay Haween khamri xambaarsanaa sida ka muuqatay muuqalka la soo dhigay  Baraha Bulshadu ku kulanto ee Facebook ayaa dood kululi ka dhalatay hanaankii loo duubay muqaalkaasi oo dad badan ka cadheysiiyey.

Haweenkan oo sida muuqalka ka muuqatay ka koobnaa Afar haween ah ayaa sida Booliskii soo qabtay muuqalkaasi ku sheegen in ay soo qabteen iyaga oo saran Baska iskaga kala goosha Hargeysa iyo Jawaale ee Barri iyo galbeed la yidhaahdo.

Muuqalkan oo u muuqda mid mobile lagu duubay ayaa isla markana Ciidankaasi qabtay haweenku ka duubeen, arrinta dooda keentay ayaa ahayd waxa muuqalkaasi ka muuqda haweenkaasi oo Bilaa masaro ah isla markana ciidanka ka duubayey Filimku ay ku leeyihiin hadalo bulshadu diiday oo ay ka mid tahay in ay xaafada Daami ee Hargeysa  ka yimaadeen, iyada oo u muuqatay in xaafadaasi eeda saarayaan.

Mid ka mid ah muuqaladaasi baraha bulshada la soo dhigay  ee Facebook oo Wargeyska Waaheen soo xiganayo ayaa waxa faalooyin ka bixiyey in ka badan labba kun oo qof halka ay dawadeen dad ka badan toddoba kun oo qof Isaga  oo muqaalkaasi muddo kooban ku jiray, dadka badankooda ayaa booliska ku dhaliilay hanaanka ay u soo bandhigeen oo ahayd in aan loo bahan in muuqalkaasi facebookyada iyo Youtubyada la soo dhigo,  kuna haboonayd in muuqalkaasi meelaha cadeynta looga bahan yahay sidda maxkamdaha uun loo daayo, inkasta dadkaasi ay booliska  ku aamanayeen qabashada qorshayasha cusub ee la doonayo in dalka lagu soo galiyo Khamriga in ay ku mahad san yihiin balse dadku waxay soo jeediyeen in madama wax la qabtay haween ahayeen in loo daayo haweenka Booliska si ay u baadhan  madama dumarku cawro yihiin.

Ciidanka booliska Somaliland ayaa habeen iyo maalin  heegan  ugu jira siddii ay gacanta ugu dhigilahaayeen cid kasta iyo farsamo kasta oo  la damco in khamriga Somaliland lagu soo galiyo, waxaanay farsamada haweenkani adeegsanayeen ay ahayd mid layaab noqotay iyada oo mid walba cagado khamri ku jiran xambarsanay sidda ciidankaasi qabtay sheegen.

News Related