Kulan la filayey inuu shalay isugu yimaadaan saddexda murashax madaxwayne ee xisbiyada qaranka iyo guddiga doorashooyinka ayaa si kadis ah u baaqday,waxaana baajiyey aragtiyaha kala fog ee ay ka taagan yihiin saddexda murashax in doorashadu qabsoomi karto iyada oo ay abaar darani dalka ka jirto.
Laakiin waxa qabsoomay kulan aan toos ahayn oo uu murashaxa xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe siyaabo gooni gooni ah ula yeeshay labada murashaxa ee kale ee WADDANI iyo KULMIYE oo kala ah Muuse Biixi iyo Cabdiraxmaan Cirro.
Wargeyska Geeska Africa oo isku dayay inuu Eng Faysal Cali Waraabe waydiiyo natiijada kulamadaas ayaa ka gaabsaday inuu ka hadlo,waxaase uu xaqiijiyey in uu labada murashax ee kale la yeeshay kulamo kala duwan isla markaana aanu ka hor dhacayn inta ay natiijo isla gaadhayaan.
Ilo xog ogaal ah ayaa geeska Africa u sheegay in saddexda murashaxa maanta iskugu imanayaan kulan wada jir ah oo aanay cid kale ku wahelinayn kaas oo ay kaga wada hadli doonaan xaalada dalka soo waajahday iyo sida ay aragti midaysan ugaga gudbin karaan.
Laakiin dadka siyaasadda falanqeeya ayaa aaminsan inay adag tahay sida ay mawqif ay u midaysan yihiin uga qaataan warbixinta ay guddiga doorashooyinku soo bandhigeen ee ah inaanay in badan dadkii is diwaangaliyey joogin goobihii kaadhadhka codbixinta loogu gayn lahaa.
Geesta kale warar uu Ggeeska Africa helay ayaa sheegaya in xalay uu madaxtooyada ka dhacay kulan mihiim ah oo lagaga tashaday xiisada siyaasadeed ee taagan,waxaanu warku sheegay in shirka oo ay ka qayb galeen xubno wasiiro ahi si wayn loogu faaqiday warbixinta gudida doorashooyinka iyo geesta kale baahida dalku u qabo inay doorasho qabsoonto,laakiin lama hayo go’aan rasmi ah oo shirkaasi kasoo baxay layskuna qaatay.
Si kasteba ha ahaatee kulanka maanta ee saddexda murashax ee guddiga doorashooyinku banaanka ka yihiin ayaa loo wada dhag taagayaa natiijada kasoo baxi doonta kulankaasi.
Xigasho Geeska