Published:

xisboHargeysa(GNO)  Saddexda Xisbi Qaran ee Somaliland iyo Komishanka Doorashooyinka ayaa maanta u balansan kulankoodii labbad ee ay kaga arrinsanayaan Doorashada madaxtooyadda ee Qorshaysanyad in ay qabsoonto 28 Marach 2017.

Wararkii u danbeyey ee xallay soo baxayey ayaa sheegaya in Saddexda Xisbi qaran Kulmiye, Waddani iyo Ucid ay isku raaceen muddo kordhin ay hor dhigaan maanta Komishanka  Doorashooyinka, waxanay wararku intaasi ku darayaan in ay isku waafaqeen in la kordhiyo muddo Lix Billood ah oo ku beegan Bisha September ee sannadkan.

Wararku waxay intaasi ku darayaan in Xisbiga Kulmiye oo markii hore diidanaa muddo kordhinta uu aqbalay markii dhaleecayn badani kaga timid shacabka oo ku dhaliilay in aan wakhtigan oo abaaro ka jiran dalka aan doorasho la galikarin sida ay komishanka doorashooyinku soo bandhigeen.madama oo dadkii codeynayey aanay jooginba goobo badan oo ay ka hayaameen.

Kulan maanta ayaa shacabka Somaliland isha ku hayaan wax rasmi ah ee ka soo bixidoona iyo go’aanka komishanku qaaddandoonan.

Dhanka kale Kulan ay isku yimadeen Madaxweynaha Somaliland, Komishanka Doorashooyinka iyo Saddexda Xisbi qaran ayaa laga hadlay wakhtiga ugu haboon ee doorasho ku qabsoomidoonto, Komishanka Doorashooyinka ayaa  sheegay in iyaga wax walba u  dhameystiran yihiin  oo aanay dhankooda waxba ku baaqi ahayn, balse Kormeerkii ay soo sameeyn ay ku ogadeen in aanay dadkii codeynayeyba goobo badan joogin.

Golaha Guurtida ayaa waxa  shalay ka jiray dhaqdhaqaaq u muuqada in ay u diyaar garoobyaan muddo kordhinta ay dastuuku siinayo waxase la hubin mudada ay kordhindoonan.

News Related