Tani wakhtigii si guul ah loo soo afjarey Diwaangelintii Codbixiyaasha oo haatan laga joogo muddo dhowr billood ah wax war ah lagama helin Guddiga Doorashooyinka Qaranka Somaliland. Haddaba tiiyo shacabka Somaliland si weyn ugu dheg taagayaan wararka la xidhiidha qabsoomida iyo qabsoomi la’aanta Doorashada Madaxtooyada ayaa la filayaa in Sabtida soo socota Guddigu kulan isugu yeedhaan saddexda Xisbi Qaran. Inkastoo aanu jirin war rasmi ah oo ku saabsan ujeedada kulankaas, haddana Guddiga Doorashooyinka ayaa la saadaalinayaa inay madaxda tartamaysa u soo bandhigi doonaan natiijada uga soo baxday socdaal qiimayn ah oo ay ku tageen gobalada dalka, kaas oo ay ku soo ogaanayeen sida dadkii isdiiwaangeliyay goobahihii ay deganaayeen loogu gayn karo kaadhadhka cod bixinta doorashada.
Inkastoo aanu Guddigu wax war ah ka soo saarin kormeerkoodaas, haddana dad badan ayaa saadaalinaya inay soo heleen xog cad oo tilmaamaysa in dad badan oo ka mid ah dadkii isdiiwaangeliyay ay abaartu ka hayaamisay deegaamadii laga diiwaangeliyay ee ay sharciyan tahay inay ka codeeyaan, iyadoo la ogyahay in abaartii isa soo tarayso iyo jiilaalkii oo hadda fooda lala galey. Haddi Guddiga Doorashooyinku Asxaabta Qaran u soo jeediyaan in Doorashada dib loo dhigo, inkastoo Go’aanka dib u dhiga Distoorku awood u siyey Golaha Guurtida, haddana waxa iyana adkaan doonta inay saddexdan murashax isku raacaan wakhtiga la kordhin karo marka la fiiriyo kala fogaanshaha mawqifyadooda siyaasadeed, ceebaha ka baxsan xeyndaabka muwaadinnimo ee warbaahinta la isu marinayo, xoqida naburo foolxun oo la moodayey in Bulshadu dhamaanteed ka bogsatey iyo tartanka adag ee ka dhexeeya
Si kastaba ha ahaate, kulanka Sabtida oo shacabku aad ugu dheg taagayaan, ayaa muhiim u ah doorashada madaxtooyada, waxaanu kulankaasi kala cadayn doonaa wax badan oo hadda mad-madow ku jira iyo in aamusnaatii Guddiga Doorashayoonku ee mudda dheer ay gogol xaadh u aheyd Muddo kordhin mar kale loo sameeyo Xilalka Madaxda ugu sareysa Dalka.