Published:

xirsi iyo iid newsDhacdooyinka Qaarkood waxay udhacaan si Lama Filaan ah, Balse Shirqool laga Fikiray in lagu Sameeyo Masuul Qaran oo aan laga Fikirin Saamayta uu ku yeelan karo Habdhaqanka Siyaasada iyo isdhexgalka Bulshadu Waa ayaan Darro inteeda leeg.

Fal kasta oo Dhacaa Waxa uu leeyahay Saamayntiisa, Dadkuna laba Nooc bay iskugu jiraan Indheer Garad iyo Qof meel dhaw wax ka arka, Waxay ahayd Dhacdo ugub ah oo uu islahaa Waxaad ku Helaysaa Sharaf iyo Sumcad Xukuumada iyo Xisbiga Kulmiye kuu hayn doonaan Balse waxay Qaawisay Aragtidiisa Gaaban.

Tan iyo intii Maayar Maxamed Amiin Cumar Cabdi La Wareegtay Talada Golaha Deegaanka Gabiley waxaa Soo Ifbaxaya Dhacdooyinka Wiiqaya Magaca iyo Karaamada Gobolka Gabiley iyo Dadkiisaba, Waxaa Sii Badanaya Dhacdooyinka Foosha Xun ee Magaca ka dilaya Gobolka, Hore ayay u Dhacday in Calanka Wadani lagu gubo Gabiley iyada uu Maayarku soo Abaabulayo Dhacdooyin daciif ah oo Magac dil ku ah Dadka Gobolka oo dhan.

Maayar kasta oo Gabiley Soo Maraa Waxa uu jeebka u Galaa Qaar ka mid ah Golaha Wasiirada Somaliland uu isticmaala Sida Mobile-ka lagacta lagu shubto isla markaana Dhex marsada Danohooda Gaarka ah, Haddiiba Wasiirka Maaliyada Somaliland Marwo Samsam Cabdi Aadan Rajo ka leedahay Gobolka Gabiley Kharash kuma ay Bixiseen in Masuul Xisbi Qaran Hogaaminaya laga Hor istaago Magaalo ka mid ah Somaliland.

Inanka yari inta uu Geedka ka Boodo ayuu Talada ka Boodaa, Haddii ay is Caqli Dhaami Waayeen Dumarka iyo Caruurta Talladii Dalka sidaa ugu Ciyaaraya, Maxay Xukuumadu uga hadli Wayday Dhacdooyinka Noocan ahi ee ay Bulshada ku kala Fogaynayaan oo Naxli iyo Faquuq ka Dhex Abuuri kara.

Mid ka mid ah Hawlwadeenada Dawlada Hoose ee Gabiley oo Arintan Xogogaal u ahaa ayaa Sheegay in Maayar Maxamed Cumar Cabdi uu Sumcad kaga Doonayay Musharax Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi sidaa Darteed uu Xildhibaanka Lacagta u siiyay si uu Falkaasi u Fuliyo, balse ay Waji kale ku yeelatay oo Muuse-na Maanta ogyahay Godka laga Qaniinayo iyo Cidda Taageerayaashiisa ka Fogaynaysaba.

Waa Dhacdooyinka Kaydka kuu Gali Doono Waxqabkaagana ka mid noqon Doono, Waana Waxyaabo lagugu Xasuusan Doono oo aad ka Gashay Dadka Gobolka Gabiley Degan oo aad Magacoodii iyo Sharaftoodii Huwantahay.

Waxaa is waydiin Mudan Maxaa Soo Celceliya Dhacdooyinka Noocan ah ee Bulshada lagu kala Fogaynayo Musharaxa Madaxwayne ee Gobolka ka soo jeedana Dadkiisa laga Horkeenayo iyada oo lagu Dirayo Bulsho waynta Somaliland inteeda kale Maadaama oo aanu Xataa ka Hadal Sumcad Xumada ay Samaynayaan Dadkiisu.

Waxaa Dhitooyin Xunxun oo Maanka laguugu hayn doono, Milgaha iyo Gobonimada Dadka Reer Gabileyna Shaqsiyaadka noocan ahi Waxba ka Qaadi maayaan, Gabiley Wixii illaahay ka dhigay ayay Tahay Balse ka Doonaya in uu Magaca ka Diloow Diiwaanka Taariikhdaa ku Xusi Doonta.

Maxamed Aadan

Hargeisa Somaliland

 

 

 

News Related