Mudane Madaxweyne, waxaan hawadda kuu soo marinayaa salaanta islaamka ASalaamu laahi calaykum?
Madaxweyne bulshadu aday ku dooratay, maamuuska darajadda ugu saraysa iyo masuuliyada guud ee
adeegyada kaabayaasha kala duwan ee qaranku madaxweyne adigaa ka masuula ummaduna kuu
dooratay.
Sida gabaygii gudgude ee abwaan Hadraawi
“Gurgurshaagu awr-buu ka yahay, rarasho gaadiide
Gadhwadeenku ruux buu ka yahay, gaylan wadareede”
Mudane madaxweyne waa dabciga, tamarta, iyo taagta noolaha inaanu hogaamiye la doortay isagu
shaqsiyan wada qaban Karin howlaha uu qaran weynahiisu u doorteen, balse uu u talo saarto shaqsiyaadka
uu ku tuhmaayo kartida ay ku taabo-gelin karaan kuna tusmjayn karaan masuuliyadaha shaqo ee ka soo
farcama xilalka kala duwan ee kaabayaasha qarankani.
Waloow aanay dunidu inala qabin, se ay ku koban tahay bulshadeena, marka la waayo wada, wada
xisaabtan iyo ku daba-gal ka howlaha ay wasiiradda qaranku u hayaan bulshadii adiga ku dooratay waxaa
timaada in masuul kastaa u dhaqmo sidii isaga ay farayso habdhaqanka naftiisu, kii masuuliyadaasi loo
igmaday leh karaanka iyo kartida uu ku kasbanaayo wax-qabad kaa&ya bulshadii ku dooratay, isla
markaasina ka baqaaya ALLE subaxaana wa tacaala, kaasi waa kuwii saaka aad ugu tagtay xa&isyadooda.
Kuwo badan oo saaka waqtigu kugu simi waayay ayaa jira, kuwaas oo mudo bilo ka badan aan ka soo
xaadirin xa&isyadooda, kuwaasi waxaa kow ka ah kuwo samaystay weriyayaal u gaara oo warar aan ku
salaysnayn xaqiiq iyo waxqabadyo la taaban karo uga soo baahiya bulshada TVga qaranka maalin walba.
Mudane madaxweyne soo bixitaan kaagi saaka waxaa mahadisay bulshadii ku dooratay, ee in dhowaydba
la’ayd cid ugu adeegta xarumahii dowladdeena, tusaale ahaan, Wasaaradda Caa&maadka Wasiiradii iyo
Wasiir Dowlayaashii aad u magacawday mudo bilo ah maantay yimaadeen, waloow aanad sooba marin
saaka.
Waloow ay wacan tahay hanaan iyo nidaam lagu ilaaliyo inay Wasiiradda dawladdu joogaan xa&isyadooda
xiliyadda shaqa, se hadana inta taas la helaayo madaxweyne todobaadkiiba maalin wasaaraddaha iyo
xaruumaha dowladda booqo kuna mar socdaal aan la sii ogaysiininn masuuliyiintaasi aad kormeeraysid.
Waxaad kala ogaan kartaa kuwa qarankani daacada u ah inay u adeegaan iyo kuwa kale, bulshadii ku
dooratayna waxa ay ka heli kuwaad xilalka u igmatay goobahii shaqadooda, waxaanay heli doonan cid
howlaha u kala socodsiisa.
Sidoo kale waxaad ogaani kartaa agaasimayaal iyo agaasime waaxeedyo aqoon ahaan iyo waayo aragnimo
ahaanba si buuxda u hanan kara xilalka wasiirnimo, kuwaasi oo xili walba diyaar u aha u adeegitaanka
bulshadooda, mudana in la dhiiri geliyo lana dalacsiiyo, si ay ugu noqdaan tusaale ifaya ooy hanaan-koodi
shaqo higsadaan shaqaale weynaha qaranku.
Ugu danbeytii, bulshadu raali waxay ku tahay inay hesho xukuumad iyo xubnaheedi xilal ka u hayay oo
qaran ka u adeegaya, hadiiba mudo kordhini dhacdo iyo hadii kaleba. Bulshadu madaxweyne weli waa ku
jecel yahiin waanay ku rabaan, ee adigana ha lagaa helo daacadnimadaadi waxqabad ee taariikhda kuu
galay.
Qalinkii: Abdinasir Mohamed Cabdulaahi
Email: abdinasirmaxmed@gmail.com