Doorashadi iyo Abaarti waa lakala qaaday laakin Xisbiyada iyo Xafladaha soo dhaweynta ah lama kala qaadin: Qalinkii Musharax Samia Muse
Waxaan ka yaabay Xisbiyada mucaaradku waxay markasta iyo goortaba ku caban jireen kuna qaylin jireen inaanay doorashadu xiligeedi dib uga dhici karin islamarkana aanay aqabalidoonin in markale ay doorashadu dib u dhacdo, Hada ku darsoo markaaba abaartani dalka way ka jirtay gaar ahaan gobolada galbeedka iyo bariga qaarkiiba walow ay teelteel ku ahayd hadana cabashada abaartu waxay ahayd mid taagan Balse xisbiyada mucaarika umay muuqan in abaari dalka ka jirto waxayna doodu ka ahayd ha la qabto doorashada, waxaan layaabay waxay abaartii hore ugu muuqanwayday ee imika abaartu ugu muuqatay ee iyagoo mucaarida ay ugu adkaysanayaan in doorashada dib loo dhigo?
Waxaan filayaa iswaydiinta su”aashaasi maaha mid u baahan jawaab waxa mucaaridka u Cadaatay quwada isgarabsiga xisbiga kulmiye iyo xisbigii new ucid inaanay ahayn mid ay U babac dhigi karaan sidaa darteed waxay door moodeen inay cimri dherer ka dhigtaan abaarta balse nasteexo kama aha. Ay ugu danaynayaan shacbiga tabaalaysan ee abaaartu ku habsatay Hadiise ay xisbiyada mucaaridka dhab katahay dareenkooda ah in wakhtigan aan doorasho la qabankarin maadama ay shacbiigii abaar darani saamaysay taas awgeedna aanay suurtagal ahayn in doorasho la qabto maadama oo dadkii codka bixinlahaa %70 ay ka hayaameen dhulkoodii lana helaynin meelkaadhkoodii cod bixinta loogu geeyo islamarkaana codsigooda ah in doorashada dib loo dhigaa taa ku salaysantahay waxaan odhanlahaa waa sax balse waxaan u soo jeedinlaha gaar ahaan xisbiga WADANI bilkasta ku dhawaad 10 Xafladood oo qiyaastii midkasta ay ku baxdo lacag kabadan 7000 oo dollar miyanay ahayn inuu joojiyo oo ugu deeqo lacagtaas macnadarada ku baxaysa dadka abartu hayso?
Bal u fiirso akhriste tagtada taariikhda iyo doorka dib udhacii doorashada iyo mudo kordhontii xukuumada ay iska taagaaeen xisbiyada mucaaridku qodobadan
1. Sannad ka hor markii Diiwaan galinta Xukumadu ku dhawaaqday in la joojiyo Abaarta darteed waa tii Xisbiyada Mucaaradku ay diideen ee waliba khilaafku cirka isku shareeray!!!
2.Joojintaa diiwaan galintu waxay salka ku haysay abaarta jirtay awgeed balse soo jeedintii xukuumada iyo komishanka ee ahayd in la hakiyo diiwaangalinta mucaaridku Ganafka ayay ku dhufteen gaar ahaan xisbiga wadani ayaa isagu xoog uga qayliyay arintasi
– Geesta kale waxaan xisbiga kulmiye iyo masuuliyiintiisa u arkaa inay Eed ka carar yihiin waayo waxaynu ogayn dib udhacii horee doorashada iyo mudo kordhintii loo sameeyay xukuumada waxaynu ogayn wixii canabaarayn,ceebayn,cagajuglayn,iyo hirdan ka dhacday mucaarika ee ay ilaa beesha caalamka u gudbiyeen dacwada iygoo ka xanaaqsan in inay doorashadu dib u dhacdo taas awgeed ayay xisbiga kulmiye iyo xuukamdu uga gaws adaygeen soo jeedinta mucaaridka ee ah in doorashada dib loo dhigo balse mahaa mooganaan ay iska indha tirayaan abaarta jirto.
Sikastaba ha ahaatee bud dhiga mawduucan kooban ee aan ku falanqaynayo arimaha taagani waxa uu salka ku hayaa Filashada sadex Arimood.
1- Waa markii ugu horaysay ee xisbiyo mucaaridi ay dalbadaan in doorashada dib loo dhigo iyaga oo ku raad gadanaya xaalada jirta abaarta oo xukuumada iyo xisbigeeda kulmiyaba ka warqabaan kana gaysanayeen habeen iyo maalinba gurmadka, biyo dhaamiska, quudinta, iyo gargaarka aan kala go”a lahayn, Balse runta iyo xaqiiqdu waxay tahay in xisbiyada mucaaridka ahi u arkaan in dib loo dhigo doorasha mid fursad u ah oo ay ku soo kaban karaan maadama ay u cadahay in wakhtigan aanay u babac dhigi karin xisbiga talada haya ee kulmiye oo sida muuqata taageero mug leh ka haysta dhamaanba gobolada iyo dagmooyinka somaliland
2-Filashada labaad waa mid afkalaqaad, iyo firka nax ku noqondoonta mucaaridka oo dalbaday kuna adkaystay dib in loo dhigo doorashada waayo? sidaynu ka warqabno haayada kaliya ee uu dastuurku awood u u siiyay in mudo kordhin ay samayn kartaa waa Golaha guurtida oo iyagu iska leh xaqa iyo waajibaadka kamadanbaysta ah ee go”aanka waxaany jaan gooyaan cayimaada wakhtiga mudo kordhintu ay noqonayso sidaynu ka warqabno waxay sadexda xisbi isla garteen in mudo 6 bilooda dib loo dhigo doorashada mawqifkaasi ayay komishankuna la qaateen balse mawqifkaasi maaha kii sharciga ahaa ee waa soo jeedin iyaga ka timi sidaynu ka war qabnana isla maanta oo ay taariikhdu tahay 19 january 2017 ka ayay sadexda xisbi qaran iyo komishankuba la kulmeen madaxwaynaha, sida muuqatana wuu la qaatay madaxweynuhu mawqifka ay la yimaadeen warqada codsiga mudo kordhinta marka madaxweynuhu u soo gudbiyo golaha guurtida waxaynu si dhaba u arki doonaa in go aanka gurtidu noqon doon mudo sanada taasina waxaynu arki mucaaridka maanta isagu dalbaday in dib loo dhigo doorashada oo qaylo ooda ka qaada waa mid hadaynu noolaano aynu u wada joogi doono,
3- Filashada sadexaad waa dib udhaca ku yimaada doorashada mucaarid iyo muxaafid midkee ayay dan u tahy hadii sida mucaaridku qabo ama ay u arkaan inay dani dani ugu jirto iyaga gaar aahn Xisbiga wadani aragti ahaan anigu ma qabo fikirkaasi waxaanaan mawqifkayga ku sifaynayaa aragti cilmiyaysan taasiyoo ah in mudo kordhintani ay tahay fursad labaad oo guul aan muran gali karin u noqonaysa xisbiga muxaafidka ah ee kulmiye waayo waxaynu ka warqabnaa in deegaamo aan waligood is diiwaangalin oo aan doorasho galin ay xiligan ka qab soomayso doorashadu islamarkaana ay iska diwaan galiyeen qiyaas ahaan sida igu maqaala ah in ka badan 100,000 oo qof jidaahaasi waa sanaagbari,guud ahaan gubolka sool ilaa xaysimo oo xaruntiisu tahay Taleex oo ay ka dhacday diiwaan galintu Dhamaanba dadkaasi isma yaqaanaan Xisbiga Wadani Iyo Ucid toona waana Deegaanada Abaarta Ugu Badani kajirto ee ay dadkiisii hayaameen sidaa darteed Dib u dhacaa dorashadu wuxuu dan u yahay kulmiye wxuuna helayaa cod dadka tiradaa leh oo waxgaradkiisii Siyaasigiisiii,iyo Aqoonyahankiisiiba ku jiraan xisbiga kulmiye.
Sidaa darteed waxaan ku soo koobayaa maqaalkaygan siyaada mikirifoonka iyo qiirada mucaaridku yaanay ku danbay qoomamo.
helisink findland
#samiamuse2017#