Published:

ISBIGA MIDNIMADA IYO HORUMARKA JSL EE KULMIYE

05 January 2017

TACSI GUDDOOMIYE

Guddoomiyaha xisbiga Midnimada iyo Horumarka Jamhuuriyadda Somaliland ee KULMIYE, ahna murrashaxa madaxweynaha ee xisbiga Mudane, Muuse Biixi Cabdi, Guddoomiye-ku-xigeenka kowaad ee KULMIYE Md. Maxamed Kaahin Axmed iyo masuuliyiin kale ee xisbiga, waxay tacsi tiiraanyo leh u dirayaan qoyska, qaraabada, ehelada, bahda waxbarashada iyo guud ahaan shacabka reer Somaliland  geerida ku timi Alle ha u naxariistee Marxuum Maxamed Saalax Xaaji Xasan (Aniis) oo ku geeriyooday shil baabuur oo ka dhacay jidka u dhexeeya Burco iyo Berbera saaka oo ay taariikhdu tahay 05/01/2017.

Marxuum Maxamed Saalax Xaaji Xasan (Aniis) waxa uu ka mid ahaa dadka haldoorka ah ee u dhashay Somaliland ee aqoon, tacab iyo waxtar aan la qiyaasi karin u huray dadkiisa iyo dalkiisa, isagoo kaalin wayn ku lahaa dadaalladii halgankii dalka, nabadayntii iyo hub-ka-dhigistii dadka, dhismihii dawladnimada iyo horumarinta waxbarashada waddanka, isla markaana xilal kala duwan ka soo qabtay dawladihii kala dambeeyey ee soo maray Somaliland oo uu markii u dambeeyey ahaa Isu-duwihii Wasaaradda Waxbarashada ee Gobolka Sanaag. Waxaanay hoggaanka KULMIYE tacsidaasi u dirayaan dhammaan qoysaska iyo carruurta reer Saalax Xaaji Xasan iyo reer Cali Guhaad.

Guddoomiyaha iyo madaxda kaleba waxay Marxuumka Alle uga baryayaa inuu jannadiisa Firdowsa ka waraabiyo, qoyska, qaraabada, bahda waxbarashada iyo shacabkana uu Samir iyo Iimaan saadiq ah ka siiyo. Aamiin….Aamiin….Aamiin.

Xafiiska Warbaahinta ee xisbiga KULMIYE

News Related