Published:

In  modo ah iskumaan kalifin in aan qalinka iyo warqada soo qaato, waxaase jira sababo kugu ka lifaya.

Hadaba sidaynu la wada socono waxa soo dhow wakhtigii si xor ah loogu tartami lahaa doorashda Madaxtooyada.

Iyadoo dalka ay ka jiraan abaaro baahsan iyo sixir barar cirkaa isku shareeray,

Ayaa dhinaca kale waxa jira loolan ama tartan aan wakhtigiisi la gaadhin oo ka dhexeeya sadexda xisbi ee dalka ka jira

Gaar ahaan labada xisbi ee kulmiye iyo wadani xibiga u cid iasaga waxad mooda in aanay cidiba tisanayn sabatoo ah

Khilaaf ragaadiyey oo uu sabatiisa leeyahay gudoomiyaha  xisbigaas mudane faysal cali waraabe oo aakhirkii ku keenay,

Burbur ay ku kala tagaan, inkastoo uu sii jiro xisbigu lakiin dhaawac wayn ka soo gaadhay khilafkaas.

Baryahan ugu damabeeyey waxad moodaa in xisbiyada wadani iyo kulmiye ay  shaashadaha ama shabakadaha ay isu,

Marinayaan kalamado aad uga fog ANSHXA iyo  qadarinta  shacabka  iyo qaranimada ay haystaan iyadoo ay wada degdegayaan

oo midiba mid ka kale u jawaabayo igaoo iska iloobay anshaxii iyo qadarintii qaranimadan somaliland.

Maalinkasta oo aan is idhaa bal dalkaagii  la soco wararkiisa iyo xaaladiisa waxaa iga soo horbaxa ama aan ku arkaa,

shabakadaha wararka gaar ahaan kuwa somaliland warar an fiicnayn oo niyada kaa dilaya  sida hanjbaado iyo kalmado caytin,

U badan oo hawada la isu marinayo.

Waxaa kaloo iyaduna dalka dheeraad ku ah oo runtii ku haya dhibaato qas ah Odayaal cumaamado wata  oo ku hadaaqa ,

Hadaanu beel reer hebel nahay iayagoo ka hadlaya wax aan shaqadooda ahyn  , waxaad marka is waydiinaysaa dalka miyaanay qaranimo,

Iyo dawladi ka jirin waa maxay is dhex yaacan  iyo nidaam daridani.

BAL AN IDIN XASUUSIYO DHOWR SANO KA HOR MAQAALO AAN SOO QORAY WAXAA KA MID AHAA MAQAAL AAN UGU MAGAC DARAY

                                                           QABAYAALADU WAA CADOWGA KALIYA EE BUR BURINKARA QARANIMADA SOMALILAND

Cinwaankaas waxan idiin xasuusunayaa in qabayaaladu tahay cadow kuna tahay qarankan somaliland,

hadii an ku laabto maqaalkaygan cinwankiisa xisbiga wadani wa xisbiga  mar walba ku hanajba in dalkan dagaal sokeeye

ka dhicidoono kalmadahaas oo runtii kaa nixinaya.

Aniga aragtidayda hadaan cabiro xalada hada jirta  iyo tan soo socotaba  rabi ha inaga badbaadiyee runtii ma wanaagsana

Waxaa markaa loo baahan yahay in aynu jiifka ka kacno oo dalkan iyo qarankan badbaadino,

waxaanse kula talin lahaa inta wax garadka ah inta wadninimo ku jirto in aanay dheg jalaq u dhigin kalmadaha ka soo yeedhaya

xisbiyadan jidka qaldan ku socda,  anigu maba garanayo xisbi aan is  idhaa wuu u qalmaa dalkan .

Wxaa kaloo iga talo ah in xisbiyadu ay joojiyaan iskana ilaaliyaan kalmadaha xanafta leh.

Omar Leerdam uk.

News Related