Warar hada na soo gaaraya ayaa sheegaya in labo qarax oo waaweyn goor dhaw ka dhaceen naxaawiga garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho.
Qaraxyadan ayaa lagu waramayaa in ay ahaayeen kuwo loo adeegsaday gadiid walxaha qarxa laga soo buuxiyay, waxaana la maqlayaa rasaas culus oo dhaceysa.
Gaar ahaan wararka soo baxaya ayaa intaa ku daraya in qaraxyada lagu bartilmaameesaday hoteel ku dhaw xerada Xalane oo ay degan yihiin ciidamada AMISOM iyo inta badan wakiilada beesha calaamka.